Maansadan waxa curiyey Maxamed Xirsi Guuleed 2000-12-26 maalin salaasa ah oo ramadaan tahay 30.

 

Ducooy kaa baaqan maayo
Digriyoow kuma baajinaayo
Daneey marna kaama weyni
Inaan daa´inaw ku tuugo
Anay ku jirtaa dantaydu
Daciifnimo aadmi baan ay
Inaan adi kaa dudaayi
Anay doqoniimo i tay
Allaw ruuxii dayeysan
Adaa dejintii awooda
Allaw nin dartaa u rooray
Ha seejin dariiqa toosan
Allaw dadki way murmeene
Adigu noo door jidkaaga

Intaa murti dooxideed dhe
Daboolka ka qaadidii dhe
Ku sii darso’oo araarta
Nin duunyo li eed ma waayo
Faqiir dayacnaan ma waayo
Dalkiisa ninkii halleeyey
Dulsaar kama baaqsanaayo
Ninkii darajiyo xil qaaday
Ammaan dad ma haybsanaayo

Waxay dood qorani leeday
Durbaano garaacidooda
Hadduu damacaa ku siiyo
Inaad hadhka galay dariiqa
Dadaw i maqlaay tidhaahdo
waxaad ku dartaa xisaabta
Inay daba taal ilaaqi
Adaa dalbadee dhibkeeda
Wixii deelqaaf ku gaadha
Dulqaadashadeed lahaato

Waxaan hadalkaa dahsoon
U duur xulayoon u deday
Ninkii dacwad faafinteeda
Dad uuga bexee is dooray
Inaanu dariiqa moodin
Kob ay derin raaxo taallo
Dab iyo raran baa ku duugan
Dusheeda qodxaa ku daadsan
Adoo digrigiyo quraanka
Ku foogan daryeelidooda
Waxaad ku dartaa xisaabta
Dacaayad laguu sameeyo
Dijjaal in laguu nisbeeyo
Danayste laguugu yeedho

Guryahan dumayee dumaaya
Dalaaqan istaagi waayey
Caruurtan sidii dugaaga
Dhamaan debedaha u yaacday
Caruurtan nin diin yaqaanay
Ka daadejin waayey waano
bal dhaaf dugsi ay tagaane
inay didayaan la moodo
haddaad ku dadaali weydo
dantaada u seegi weydo
adaa dambarkooda maali
kuwaad dihatiyo dhashaada
kuwaad dunidaw horseeday
Ayaa dan u raaci doona

Intaasi ninkaanay deeqin
Daliil waxa uugu filan
War daalacan oo la daday
Ku daabacan waaqiceena
Dux iyo waanana u badan
Oo ay dulucdiisu leeday:
Duq iyo wiilbaa dacwiyey
Ka dooday amuuro badan
Duqani waa Aw Dardaan
Dagaaladu waayaday
Dalkeena ragaadiyeen
Ayuu damiciisu faray
Da´dii keliyee isaga
Deeqdiisa Ilaah ku siiyey
Da´diisu intay yartahay
La doonto deegaan nabdoon
Duullaan iyo buuq lahayn
Darleef iyo gaajo ool

Dadaalkaas aan yarayn
Kumuu xilin daa´inkii
Galbeed durduruu ku yimi
Deegaan nabaduu ka helay
Darleef iyo gaajo reeb
Hayeeshee docdii kalaa
Dalleeli ka soo baxdoo
Yarkuu la dadaalayaa
Abuuray dareenno kale
Danseegnimo kow ka tahay
Rafiiq xumo door u tahay
Waxaa odaygii Dardaan
Dadaw biyo diid ku riday
Yarkii maba daw saxsana
Afkiisu ma daahirsana
Ishiisu ma daadegsana

Aabaw denbi hay samaynin
Haddaan degel gaal ku keenay
Adaan ka fekeray dantaada
Adaan dulli kaa badbaadshay
Adaan webiyada dushooda
Dartaa uga soo tallaabay
Dalkeeni markuu burburay
Umulo dooxbaa ka dhacay
Wax daran baa nagu habsaday
Nin duunyo le uuma hadhin
Wuxuu ku debero naftiisa
Waxaase intaa ka daran
Da´daada ilmii ahaa
Badhbaa dirirtii ku go’ay
Ku le´day dagaaladii
Kuwii dabayaaqi hadhay
Darxumo gaajaa u dheer
Iskuul marna laguma darin

Wuxuu wiilkii ku dooday
Adiyo duqda hooyadayi
Dadaal marna maydun muujin
Dabaal anigoon aqoonin
ayaa badda doobinaysa
intaa dhigteen dushee
dhahdeen biyahaas ha daarin
Hadduuse i qaato daadku
Aniga denbigeyga maaha

Wuxuu duqi ugu jawaabay
Aabaw danbi aanan geysan
Aniga dusha hayga saarin
Sidaanan dadaal u muujin
Anoo kugu daray iskuulka
Miyaanan ku geyn dugsiga
Miyaanan nin diin yaqaana
Duruus u dhigeey ku odhan

Wuxuu wiilkii ku dooday
Inaad dugsiyada i geysay
Anigu dood maan ka keenin
Ha yeeshee waxa dareen leh
Adoon diintaba aqoonin
Intaad ani ii dirayso
Waxaanad u doonanaynin?
Miyey dad ka suura tahay
Inay dahab yaal duleedka
cid kale doontaay dhahaan
miyey dad ka suura tahay
adoo oon dibin jajabay

Adoo xil dushaada saaray
Dadaalay intii karaana
Dantaada ninkaad u xoortay
Hadduu kugu sheego daalin
Inaad u duddaa sax maaha
Inaad u ducayso weeye
Sidaa diintaa tilmaantay
Hadduu sida debed galeenka
Ka dido dawgaad marayso
Inaad daba oroddo weeye

Haddaad tahay ruux damiir leh
Jidhkiisu dubaaxinaayo
In uun shicibkaa darleefay
Dalgaalo u soo hijrooday
Ka diir nixi waayahooda
Inaad dubyaraso maaha
Dantaada ka raacdo maaha
Inaad daba qabato weeye

Away da´yartii kacaysay
Away dumarkiyo caruurti
Kuwaad dihatiyo dhashaadu
Kuway dayan laydi meeday
Bal eeg dacalllada bal eega
dhiskooyadan loo dareeray
sigaarkan la daaligaayo
khamarigan la durduuranaayo
daroogadan lagu qubaystay
haddaad ku dadaali weydo
Darmaad ku halaynaysaana?

hablahan gurigooda diiday
jidhkooda dabooli waayey
xayaha doqoniimo mooday
xumaha darajooyin mooday
haddaad ku dadaali weydo
dariiqa ku toosin weydo
Darmaad ku hallaynaysaana?

aroosyadan lagu danbaabay
fisqigan loo dadab galaayo
Halkii la ducaysan laa
Digriga lagu hoysanlaa
Durbaanlaha loo kiraystay
Haddaad ku dadaali weydo
Wacdiga la duljoogi weydo
Jid kale u dillaacin weydo
Darmaad ku hallaynaysaana?

Dharkiisu hiddii dadkeena
Dariiqal islaamigii
Malaha diibkii saxnaa
Dugsiga waa loo diraa
Quraanna Duxaa mar qudha
Kor uugama sii dallaco

Duqii digid iyo wax sheeg
Dardaaran wuxuu ku yidhi:
Aabaw duco iga shaqayso
Aabaw dhaqankii ha doorin
Aabaaw diintii ha seegen
Aabaw tacabkay ha duugin
Aabaaw hadalkaaga doorran
Ka fiirso intaanu duulin
Maryaha dusha aad ku qaadan
Habkaad dadka ula dhaqmayso
Ka eego daliiladeena
Ha raacin dariiqyo leexsan

Wuxuu wiilkii ku dooday
Dardaanaw aabahay
Dariiqa haddaan ka leexdo
Aniga denbigayga maaha
Markaad degel gaal i keentay
Nin diiday abuurta eebbe
Markaad deris igala yeeshay
Adaan samahayga doonin
Inaan jidka diinta seego
Adaa dan u sii qorsheeyey
Bal eeg dalkan aad i keentay
Bal eeg deriskeena aabe
Bal eeg waxa dabin la qoolay
Bal eeg waxa laac la daadshay
Bal eeg da´yartoodan qooqan
Bal eeg dumarkoodan qaawan
Dardaan ma anaa cagtayda
Ku doontay ayaad i leeday?

Wuxu duqi ugu jawaabay
Anigu xuma kulama doonin
Anigu inad diinta seegto
Marnaba kama doonin laabta
Aniyo duqda hooyadaaya
Waxaa darajiyo xil noo ah
Waxaa indha doogsi noo ah
Waxaa dahab nooga fiican
Adoo xaq ku daakiraaya?

inaad biyo daba qabsiya
durduuro cid kale tidhaa
dannaa igu jira Dardaan
Dugsigan aad qabo i tidhi
Inuu kaa daacad yahay.

Duqii dawakhbaa ka dhacay
Dayaan madaxuu qabsaday
Dibnaha ciilbuu la cunay
jirtoo dihnigiisu qiray
In doodan yarkii ka helay
Wuxuu yara diidanyahay
Siduu u il duufsanaa
Dibuu ula shiray naftiisa
Wuxuu yidhi daalayey!!
Da´day ku khasaarayey
Haddaan canugii dushayda
Ka beermay duxdii jidhkayga
Haddeerto difaaci waayey
Maxaan beeri Yowmu-diinka
Markuu dadku qaawan yahay
Naftayda ku daafacaa
Allaha daa´ina hortiisa
Diiwaanka markii la furo
Maxaan isku daafacaa?