Ina Cigaal: Anaw taliya Maanddeeq        

Asalaama calaykum

Waxad moodaa inay bilaabantay tartamiddii madaxnimada ee Maandeeq. Waxad mooda
inuu nin waliba taagtii is muujinayo, kuwa kalena uu tamartii nusqaaminayo. Wax
shalay iska caadi ahaa, ayaa maanta xasaasi noqday. Odaygii Ina Cigaal dhinac
walba waa laga soo ganay, qaar shalayto aan laga dhexgeli jirin ayaa maanta
seefta galka ugala baxay. “waad diktaatoor, xoolihii umadduu cunay, urur kii
Afweyne oo kale ah ayuu samaytay, dadkuu cabudhinayaa, waa oday gaboobay oo
hawlgab ah” iyo hadallo kale waxay ka mid yihiin firdhisada kursiga lagaga
didsanayo odayga. Dabcan runna way noqon karaan!!. haddaba odaygii Cigaal ahaa
isna wuxu xaq u yeeshay inuu is difaaco oo uu muujiyo geeddi-socodka umaddu
sida uu ku haboonyahay iyo jidka keliya ee aanu ka maarmi karin. Wuxu
shiishkiisa qabadsiiyey qolyaha maalmahan u tafaxaytay inay isaga dhaxlaan iyo
kuwa kuwaas hubka u sida ee qayladooda laga hadh geli waayey. Wuxu gabay ku
yidhi(metelaad) Madaxwenaha jamhuriyadda Somaliland,Maxamed Xaaji Ibra!
ahin Cigaal, sidan:

Ragga maanta toodhoonayoow tala xumaantiina
Tahamo isku qaadbaydin dilay tobankan dayroode
Inaa madax ku taamtaan maxaaa idinku taaraaya?
Dhaxaa anoon toos u socon ii tunteen sacabe
Dhaxaa tisqaad iyo kartiba igu tilmaanteene
Dhaxaa anoon idinka toyan ii gasheen tacabe
Dhaaxaa tumaatida xigtada igu tahbiibteene
Haddoon toobad keen ahay maxaa lay tixgelin waayey?

Ninka ila tartamayoow adaa seegay taladiiye
Tegimaayo jeeroo kursigu taabka ii gala´e
Intaan toban Waraabiyo ka hubo Madarba taageero
Waxba hays takoorina anaw taliya Maandeeqe

Tartan ila gashaa iyo afxumo igu talbiistaaba
Waxaan taray qirtaa iyo dafirid tamar ka baadhaaba
Tiltilmaantay da´ahayga iyo toban i saartaaba
Todobaatan igu sheegtay iyo wax iga tuurtaaba
Odayaal tisciinka ah xinkay, soo tukubisaaba
Tirtirsiyidda Siilaanyo iyo Gaal ku tacabtaaba
Laba-Alifle waa kii tirmaye Tay u gelisaaba
Tollaay iyo wixii aan benneday boodh ka tumataaba
Inta toorri laga haysto iyo tuulo shirisaaba
Tigreega iyo Geelliyo ikhwaan, tuugis baridaaba
Tusbax qaadataa iyo Iblays tiisa fulisaaba
Ninka ila tartamayoow adaa seegay taladiiye
Intaan toban Waraabiyo ka hubo Madarba taageero
Walleeee taajka somaliland layga tirin maayo

Salaamad
Maxamed Xirsi 10/07/01

Anaw taliya Maandeeq (jawaab)

July 11th,2001 Siciid Cabdull

Adduunyadu tabtii maaha iyo taan aqoon jiraye
Murtidii tolbay beeshayoo way tawaawiciye
Raggii hore tusmuu beegi jirey lagu tilmaamaaye

Meeshuu Maroodigu turqaday looxyaraa tubane
Tixihiyo tiraabkaba ragbaa taajir ku ahaaye
Turaabtaa ka badan maansadaan taabka ku hayaaye
Tiiraanyadeedaan maqlay ee uma tiraabeene

Talmiidku ninkii teacheruu talo ka qaataaye
Anna tacallimkiisaan aqaan tiirka maansada’e
Tamar uguma faanine ragbaan tababaraayaaye

Nimanbaa tashuush nagu fura aan tamaro loo hayne
Hadba trouble layskaga tegey nagu tisaayaane
Toorreyda goortaan la baxo ee tiriyo geeraarka
Tawtawlayaashaan aqiin wayska tegayaane.

Tabta ina cigaal maaganyay waxan ka tiix-raacay
Xornimada markaan tiirineen taababka u aasnay
Lixdankii adaa noola tegey duul tabaadiyahe

Waataad ku tuuntuunsateen inanay taagnaane
eed orodka wada tiiriseen toorihii Xamare
Tuhun baan adeer kaa qabnaa taniyo waagiiye

Maandeeq markaan taabay ee timaxuntii saaray
Maantana markaan taagay baad taab is leedahaye
Taariikhahaad soo waddaan tacajibaayaaye

Tafaraaruqaad nagu ridaan taahaynaa weliye
Tiiraanyadeedi ma ledin taa dhigteen shalaye
Tuhun iyo qabiil baad wadaa aan tuuray waa hore’e

Inyaroo ku taageerta iyo toban qof mooyaane
Ama qaar hunguri taabaca oo tiro yar mooyaane
Tabahaagi waan barannay iyo turufadaadiiye

tarradh iyo xumaanbaa ilaah taabka kuu sudhaye
Tub wanaagsan adigoo hayaad jar iska tuurtaaye
Haddii toos wax loo wadi lahaa tani ma joogteene
Taariikhahaad soo waddaan tacajibaayaaye

Toddobaatan adigoo jiroo tuurku ku cirroobey
Waa toobad-seeg inad khalqiga kala takoortaaye
Gortay shisheeyaha tagtee loo tartamo guusha

Allaylehe ninkii tabar yareen tiigsan baad tahaye
Wax ma tare anuunbaad waqaa ii turuqyoweyneydey
Taariikhahaad soo waddaan tacajibaayaaye

Taanngiga kuwii nala dhacee tarabka noo laayey
Tabaalada kuwii geystay ee tirayey ruuxayga
Tribune(Tribunal) la keeniyo halkaan tahan ka eegaayey
Tiiqtiiqsi hadalkaad tidhay taban dadkaygiiye
Taariikhahaad soo waddaan tacajibaayaaye

Hadday taladu kaa liicsan tahay waad tukubaysaaye
Maandeeq raggaan taara idhi een taajkana u saaray
Taws iyo dhibaatiyo hadduu turunturraynaayo

Waa waxay tammuux meel leh iyo milic u taallaaye
Haddii aanan tolnimo xeerinayn kuma tanaaddeene
Nin waraabe tulud raacsadoo tiicayaan ahaye

Talaxumadu waa waxan dugaag taag u soo bidaye
Tagoogyaha markuu feento ee muruqa uu tuujo
Ee uu ilkaha teetanada iyo micida taabsiiyo

inuu caadadiisii tiraa waa tu aan jirin
Ninkii taagyaraha xaalufshow tii Allay noqonne
Taariikhahaad soo waddaan tacajibaayaaye

Haddii aan alool lagu temmedin dhigana soo tiirin
Inaan UDUBku keligii wax tarin waa tu kaa maqanne
Tabtii uu Afweyneba wadaad wax u taraarsiinne

Wallahaadan taagnayn, toogdheer, oon ku taabicine
Ninkii Xaajo tuuro leh wataa lala tacaalaaye
turxaan bixinta aan soo wadaad kala tegeysaane

Dadkii soo tabcaday baa dhawaan tiiraduu bixiye
Adigiyo kuwaad tirinba waa inan idin tarxiilnaaye
Tukubaha inaad qaadataan taga halkii khayr leh
Toobada ha seegina ninkii tamarle yeelkiise

Said Abdull

Anaw taliya Maandeeq (jawaab)

Siciid Cabdull

Salaamu Calaukum.

Cabdillahi C Cige
Ugu horrayn sharaf bay tahay inaan ka jawaabo qormo abwaan adigoo kale ahi
lee yahay. Gabaygaagii aad Bashiir u xaglisay baan dood ka qabaa. Horta
marka hore Cabdi Hassan waa Macallinkayga, Bashiirna waxan ku wadey inuu
yahay ardaydayda. Marka mar haddii Ardaygaygii uu Macallinkaygii saxayo waa
sheeko maad leh oo muujinayso inaan dhammaantayo nahay rag bilaw ah boos
cidhiidhsanaya.
Bashiir waan nin suugaan yaqaan laakiin suugaantiisu waxay ku aaddan tahay
arrimo internal ah oo weliba xasaasi ah.

Waxan halkan ku soo lifaaqay laba “gabay-ku-sheeg”, oo midna aan ka idhi
gabaygaagii dheeraa, kan kalena yahay kii Jawaabta u ahaa Tixdii Maxamed
Xirsi oo malaha ku dhex lumay maalmihii YOYO ay cilladdu ka jirtey.

Adduunyadan maroorka ah ninkii maalin qudha eega
Maadiyo wuxuu ku arkayaa muunad goonniyaha
Nin hadduu martabad gaadho oo laguna maamuuso

Malahayga inuu meel ka dhaci uma malaynayne
Suugaanta miidda ah ninkii midigta loo saaray
Mudaniyo marwaba wiilki aan magane eegaynay

Miskiinkiyo agoomaha ninkii madax salaaxaayey
Wiilkii murtida diiqi jirey laguna muuneeyey
Waxa uu mataal nooga dhigay waydun maqasheene.

Kii ina cigaal noo metelay ee magaca soo qaatay
Muraadkiisu waxa uu ahaa waa wax kaa maqane
Mutuxnaanta hadalkiisa iyo madax adkaantiisa

Markhaataa dhammaan loo ahaa maaduhuu dhigaye
Ninkii maagistiisii khalqiga maragga loo haysto
Ee cayda noo miisayeen meelna naga dhaafin

Ninkii midhadh yaruu biiriyuu bilo malluuqaayay
iyo erayo uu soo melmeley madasha keenaayey
Ruuxii muqlaysane halkuu marayba waw toosee

Miinada ninkaa xidhahayee dabin maleegaaya
Misaanka wiilkaan lahayn maansadiyo luuqda
Xaajada Maqluubka ah ninkii koru maqiiqaayey

kugumaan malaynayn inaad meel la soo mari’e
Haddaad muunad noo saartayood Malab ku sheegayso
Annagana majnuun naga dhigtay marin habaabaaya

Ood tidhi misbaar baa ku jaban saaka madaxiina
Wixii kaa marayaa ina cigoow madal la keenaaye
Nin atoor maroodi u qaboo maahsan baad tahaye

Anaw taliya Maandeeq (jawaab)

Abdillaahi Muuse

Waad salaamantihiin dhamaantiin akhyaartoo dhameey,Waxaan u malaynayaa in
maxamed gabayga ku baranayo reer BURCO laakiin waxaan leeyahay saaxiiboow
waxba cigaala hataageerin hana ku gabane banaanka iskeen.
Waxaan tirinayaa iyadoo dadka goluhu jeclayn gabayada laysku
celceliyo,hadana in yaroo digniina.

Adaa maxamedow taabtayaan,talo lagaa siine
Adaa toocinaayoo misana,taagadow bixine
Tijaabaad wadaa iyo waxaan tamar lahayn shiikhe
Tix horaan ku idhi reer burcay, tahay bariiskoode
Wixii uurku tabayaad ileen tidhi muraadloowe
Tilmaan aan ku siiyee mar kale,toosi waxad sheegi.

Tisciin noqoyayaa iyo ina cigaal,taash u gelisaaba
Tukubyaa iyo isagu,tamar dareeyaaba
Tiic tiicyayaa iyo koluun tolotoleeyaaba
Marba toban xereeyaa oo misana,tuug mahadiyaaba
Taloxumida waa lagu yaqaan, taaga dhinacaas

Intii tamar yar iyo buu ku tuman,taag yaroow adiye
Tacabuu ku gelin oo markale tubi walaalkaaye
Taws iyo adoo diifqabaad tegi amxaaroode
Markaasaa tagfidii kugugeli tuuladii xalise
Tubtuu ina cigaal kugu wadiyo taana maad garane
Tiraabtayoo adaa taagyaree taana dibu dheeho.

Abdillilaahi Muse

 

Anaw taliya Maandeeq (Milgo)

Cabdillahi Cawad Cige

 

Abwaan Maxamed Xirsi Guuleed,

Salaamad kadib waxaan waxweyn ka korodhsadaa suugaantaada iyo cilmiga kale
ee aad marar badan hagarla’aanta noogu soo gudbiso…….

Casharkan aad usoo jeedisay Cabdi Xasan ayaa wuxuu i xusuusiyay dhawr
silsiladood oo aad ardaagan ka bilowday oo runtii marwalba aad mooddo in
abwaannada ardaagu meel adag ka qabtaan dawliska aad u dhiibto….

Taasoo marwalba keenta in kaftanku limmado oo nasiibdarro gabaygiina halkaas
ku dhadho. Anigoo aan isku-dhererinayn adiga iyo abwaannada kula faca ah ee
aad halkan isku-haleeshaan ayaan jeclaystay inaan eray dhaanwade ka geysto
tixdii aad dhowaan Muruudka Xerteenna -Ilaahay hadhka iyo hoosiiskaba hawgu
roonaadee- kasoo tebisay…

“Milgo 13 July 2001……………..

Milgo gabay haddii Maxamedow; La-isku-maamuuso’
Haddii muunad laysugu qiriyo; Magac kor loo qaado’
Allaylehe Ilaah kugu mannee; Mihindiskiisiiye’
Murti laysla eegiyo kolkaad; Madasha sheexaaxdo
Nimanbuu marooriyo layahay; Moqor hadhaagiiye’
Misna kaagu waa malab da’iyo; Miidda Karameede’
Manka iyo iftiinkaa bixiyo; Saaca midhahaaga’
Muhmal iyo waxay uga dhigaan; Maanso dhicisowday’
Ee muranka loo wada dugsado; Minanka qaafleyda
Maarayn-u-waa oo caqligu; Maandhe kicinwaaye’
Ma-maasaar la-sheegaa ku maqan; Duulka madaxooda’
Mise hadalba uun waa mergiye; Mooradiyo faalka’
Maaxda iyo lidiqaan beryahan; Kala min-roonaynba?

Afartaa mihiibtaye haddaan; Miimka ka higgaadsho’
Murti kalena waa aniga iyo; Maansha socodkayga

Mudda Tuuyo waa hore anoo; Geydha marinaaya’
Anigoo mataanaha gu’rimay; Mayrac kula foofa’
Anoo maala gaaxdoo sidii; Aar u miranaaya’
Oo beeshu mahaddii Ilaah; Meelwalbow durugtay’
Macne dawladnimo sow dar waday; Mooska kama muuqan?
Sow muran isdhaafiyo kolkay; Meerto ku ekaatay
Nin markii inuu sahan badshiyo; Muhanni loo doortay
Maandeeq xilkeedoo dhan-iyo; Muunad lama saarin….
Mayay hooray guga oo mashaqa; Fadadka soo muuqda
Mahad baan dharaarta xamdiyay; Mawle barigiiye’
Maankaan ka doogsaday anoo; Maalmo soo qadaye’
Maryo iga idlaadiyo anoon; Deyin maqaarkayga’
Dhasha oo manfac loo badshiyo; Maato la ogaado’
Miskiinkiyo ninkii maalyaroo; Meerto lala joogo
Muraad waxan lahaa inuu dalkani; Hore u muudaaye’
Maskaxdaba ma gelin jeerdambaa; Maydhax loo guriye’
Allaylehe maqaankay fadhido; Filin ma’aan-hayne’

Way murugo joogtee kalkaan; Moholli soo booqdo
Ama Cayn wadaan kula mintido; Minanka jiilaalka
Muruqayga oon taagsadiyo; Midigta mooyaane’
Maskabkaan ka filay waa midaan; Muuqannoo jirine’
Sidii bay midiidiga u tahay; Maalinliyo tuuge’
Sidii bay maddanihii bahnimo; Ula mushaaxdaaye’
Sidii bay macaash uga daydaa; Muranka deelqaafe’
Sidii bay maruun baan aflaxi; Ula muquurtaaye’
Sidii baa lugooyada maldahan; Laysu mirayaaye’

Afartaa mihiibtaye haddaan; Miimka ka higgaadsho’
Murti kalena waa aniga iyo; Maansha socodkayga

Mashaqada I haysiyo cidlada; Maganta ii heegan’
Degelkayga mawdaa hayiyo; Uunkan magacyeeshay’
Halka aadmi maantadan socdiyo; Minanka aan aallo’
Sahankaan melmelay jabadadaan; Maalmo fananaayay
Iyo mooska ay talo I tidhi; Magac usoo dooro’
Ballan waxa maroorsamay hiyiga; Meella qabanwaayay’
Mudanow ninkaan saanyadow; Madaxiyow heedhe
Ninkii muunad taashka u xidhow; Madaxiyow heedhe
Maandeeq ninkii lagu ogaa; Madaxiyow heedhe
Mabda’ii hoggaankaan dirtow; Madaxiyow heedhe
Milgo dawladnimo heykalkeed; Madaxiyow heedhe
Maareeye guud iyo aftahan; Madaxiyow heedhe
Maskabkaaga sare iyo halkaad; Doorar miranaysay
Mayalhaynta kula kowsatiyo; Maamulkiyo hawsha
Dharaartaan anoo mayrac jira; Madaxa kuu doortay’
Iyo maanta oon gabay itaal; Muruqna taagwaayay
Midh xabuuba beer muuqatiyo; Madi tacliin dheegtay’
Magaalooyin wada nuurayiyo; Meherad gaashaaman’
Shuqul lagu mashquuloo danyare; Dheef-ka-malafaysto’
Maxaadh iyo haddii aad haraaq; Meel ku-wada taagtay’
Anaa maanta kuu foodayee; Magane ii muuji??????????

Haddii kale macaanow ninkow; Madaxiyow heedhe’
Bulsho waxay muraadlow ku tidhi; Madaxiyow heedhe’
Xiddigii na-madadaaliyow; Madaxiyow heedhe’
Maaweelo soo laasannee; Madaxiyow heedhe
Micne iyo waxqabad baan rabnaa; Madaxiyow heedhe
Maamuus haddaad leedahee; Madaxiyow heedhe’
Mawlac lagugu booqdiyo intaad; Moos yar sarabayso’
Muunad baan ku saariye bartaa; Magane noo jiifso’
Mayalkiyo hoggaankana gadhwade; Miiggan uga leexo’
Nin maroodi soo tu’in karoo; Miiggan uga leexo’
Maandeeq nin godolkeed yaqaan; Oo miiggan uga leexo’
Haddii kalese mahadhaa ka hadhi; Maadda ficilkaaga…

Nabaadiino

Cabdillaahi Cawed Cige, Liverpool UK

Anaw Taliya Maandeeq (Shicir Macaankiis)

Maxamed Xirsi

Asalaama calaykum dhamaantiin

Ilaahay uma simin dadka fahanka ujeedooyinka hadalka iyo dhuuxidda
dhacdooyinka.Taas shaki kuma jiro oo xiitaa Quraanka kariimka ah ayaa lagu
caddeeyey inaan wararka siyaasiga ah ee ammaanka ama nadadda ku saabsan,
markiiba lala yaacin ee loola noqdo dadka hadalka dhuuxi kara(analyzers).
haddaba waxan qirsanahay inuu dadkaa ka mid yahay mudane Cabdillaahi Cawad Cige
oo hubaashii aan is idhaahdo wuxu hadalka u fahmaa sidii loola jeeday. Tusaale
ahaan markii aan soo tiriyey tixdii shiinley oo aan uga dan lahaa inaan jidka
ugu ballaadhiyo mawjaddii fikirkeena oo runtii suqduud yar oo aan ku fillayn
cagta saartay, waxa aad ii cajabiyey sidii uu Cabdillaahi arinta u beegtay.
Markii aan akhriyey gabaygii Cabdillaahi Cawad ee Shifo ee aan weliba dhawr
jeer ku celceliyey ayaan carabkayga uga taagi waayey ereyadan amaanta iyo
qirashada isugu jira: “Alleylehe inaad shaacir tahay sheekhaow kuu qirayey”
Waloow aanan Cabdillaahi Cawad Cige isku dhererin karin suugaan ahaan, haddana
waxan dareemayaa in aannu ugu yaraan is maah garan karno. Waxan ka cudur
daaranayaa nimanka kale ee aan gabayadooda ka hufin weerarka shakhisayada iyo
waxyeelada sharafta qofka. suugaantu waxa ay ku roontay inay ahaato: Kaftan aan
turxaan loo ogayn la isku taatabay”.
Hadal iyo dhamaan waxan dawliska la jiidayaa Mudane Cabdillaahi Cawad Cige anoo
weli metelaya odaygii xilka inoo hayey. Jirtoo uu Cabdillaahi hadalka
meeshiisii ugu tegay haddana Maxamed Ibraahin Cigaal wuxu u arkaa inay mudantay
in arrimaha qaar la sii caddeeyo. Wuxu yidhi:
——-Shicir macaankiisa 15-07-01———–
Murti gabaya maamuus xikmada midho culayskood le
Hadal miigan miisaamiddii muunad iyo xeerba
Macno haqabtir maarayn sallaxan shicir macaankiisa
Mawloow ilaah uuma simin muumin iyo gaale
Inta lagu mannaystee Cabdoow looga dhigay maadhka
Inaad mudatay koowaad adaan kugu majeertaaye
Adigaan majiiraha qotoma maandhe baal marine
Aday muqulqarqooriyo afxumo kaa mamnooc tahaye
Abwaan maamintii, gabay maldahan mooradiyo faalka
Murti toogan meeqaaminteed miigan nuxurkeeda
Adigaan madmadaw kaaga degen sida miskiinkiiye
Oo macallinbaan ahay haddana faanku kaa marine
Hayeeshee midh aad qoonsatoo muusha la arkeeye
Nimanbaa mutaxa oon ka tirin midhaha deelqaafe
Nimanbaan milgaha weedha iyo magaca qiimayne
Mullaax iyo jillaw labada nooc maydhax lagu sheegye
Misna inaanay meel wada gelayn maatidaa qiriye

Afartaa ma meermeeriyee marin cad maw yeelay
Ma maceeyey abidkayba waan maamiya gabaye
Afar kalena waa maad ka timi taladi Maandeeqe

Cabdillaahiyoow miiganow macallinaw heedhe
Male kaama joogee aftahan mudantilow heedhe
Muruudkeenni waxa uu ku yidhi maqalllay taadiiye
Mefrishyadii Hargeysiyo haddeer Maydhba laga sheegye
Muddaacalay haddaan Ina Cigoow dooda kugu mooso
Ninkii maamul ii dhiibtayee i mashraxaw heedhe
Waxan kaa martiyayaa inaad ii furtaa marage
Maalintaad adoo mayrac jira maamul igu taartay
Mulki eebbe iyo may ahay muunad quruxeede
Maddaniyo dad seef haysta oo dhiig u muhanaaya
Oon meel u socon baad i tidhi mudo Cigaaloowe
Sida muuda-xoolaha intaan kala mukhaynaayey
Ayuunbay mudadi lay calmaday dhaaftay milaygiiye
Muqdishoo kalay noqon lahayd maanta xaajaduye
Muruq iyo itaal iyo wixii mood dalka u yaallay
Inaan nabad ku maaree is idhi sow mid dhaba maaha?
waxba yaanan maalbaaxad liyo maayad soo furine
waxba yaan macdaariyo camirin, meherad xoolaade
Minankii darraad iyo haddeer madasha ay joogto
Iyamaa mudnaanta leh haddaan muran la doonaynin?

Afartaa ma meermeeriyee marin cad maw yeelay
Ma maceeyey abidkayba waan maamiya gabaye
Afar kalena waa maad ka timi taladi Maandeeqe

Maxas jilicsan maatidan cadilan ma hurto diifaysan
Dad dhulkoodi maalbuuxo oo gaajo macaluushan
Malab duugan maax iyo xareed meelkastaba jiifta
Wadan maalitaan iyo u dihin cid u maqaamaysa
Alleyleh gadhwade miiganoo mug iyo xoogii leh
Oo kara maroodiga inuu muruq ku heenseeyo
Marraa waaxid waxa loo qabaa muxubbo xeel dheere
Anna waan ku maamuusii laa furaha Maandeeqe
Hayeeshee adaa muqaddinee macallinoow heedhe
Kama muuqdo maydaanka weli muhanni wiilkaase
Milliqsigan arkaa waxay yihiin macag filkaygiiye
Mucaaradada ay igu wadaan waa maskab u doode
Ma macnayn kartaa waxad metelan aniga ii moose
Eed uugu muunayn kursiga nin ila meeqaana
Ama marag ma doon aad ogtahay maxadaddaan dheeray?

Dhamaad
Maxamed Xirsi Guuleed