Cabdilqaadiroow guul Allee roobka gabadhleeyey

Ee guri Sanaagiyo ka da´hay gobolladii hawdka

Gallad weeye eebuhu markuu goosto bixiyaaye

waase dayr gabaabsiday hadeer goorta uu yimiye

Gudban waa bishii loo yiqiin gacallehaygoowe

Gadaal waxa ka raacaana waa gubane jiilaale

Maxaad waa gu weeyaan u tidhi, guunna waad tahaye?