Dal sifayn

Gabaygan wuxu tiriyey Maxamed Xirsi 1996 isaga oo jooga Sweden. nin ay saaxiib ahaayeen oo gabya ayaa soo waydiiyey bal inuu ka soo waramo meesha uu tegey. Dabadeed wuxu yidhi Maxamed Xirsi:

Gabay waa mid kugu soo degiyo mid aad ku daashaaye

Marbaad kala dabbaashaa sidii duunyo oon wado,e

Marra kaama soo dego adoo siisan laa dahabe

Anna  wayga daahnaa beryahan deelka maansaduye

Deegaankii sidaan uuga imi doobtii waan dhimaye

Bal daliisho caawaan murtida soo dalbanayaaye

Oo dunida qaybtayda aan kuu dulmarayaaye

 

Dal shisheeye iyo baan u kacay degello gaaleede

Daraf baan ka saarrahay arladan daadsan Qoranoowe

Deenmaarig iyo baanu nahay deriska Noorweeye

Digriiyada qabawga ah nin yimi dib uga faalooye

Diqim baraf ku ladhan yaa ka dhaca duhur dharaareede

Daruuruhu dhagxaanbay da,aan duuban oo adage

Dayaxiyo iftada soo baxdaa namaba diirshaane

Dacal keliya bay naga maraan daa,in abidkoode

Dushayada kumaan arag cedceed laba diraacoode

 

Afartaa dariiq doosaniyo daw ma ku hagaajay

Dihinigaaga muuqaal ma dhigay dib u xasuunaanle

 

Deegaanta hoosiyo dhirtiyo daaqa iyo kayntu

Waa deeq ilaah oo ku badan daantan reer yurube

Durdurraa qulqula iyo xareed daa,in aan gudhine

Durrujaana kama beermo iyo daallab qodaxdiiye

Mas dilaaya halaq daadsaniyo dulin ma joogaane

Duunyaduna kuma sii badniyo daaqley xooluhuye

 

Afartaa dariiq doosaniyo daw ma ku hagaajay

Dihinigaaga muuqaal ma dhigay dib u xasuunaanle

 

Dadka eebahay uumay waa kuman dariiqoode

Midkastaa wuxuu dood ku celin taydu waa dahabe

Kolse haddaan dariiqii alliyo diinta lagu toosin

Waa dalaal waxay aadamuu darajo moodaane

Haddii aan daliilkiyo sharciga duulkan la abaaray

Waxay duunyo dhaamaan maliyo ducufka xoolaaye

Damac  kuu  qabsado waa halkay dani tidhaahdaaye

Goobtii dahsoon iyo wadadu uuma doorrana,e

Damiirkay ka wada mayd yihiin diinna laga maydhye

Dumarkaa is guursada raggana daaba hadalkiisa

 

Misna duunyo dhaqideeda iyo dahab samayntiisa

Ama daaro sida loo dhisiyo dalag abuurkiisa

Dunji bay ku leeyiin khalqigu kala dadaal roone

 

Dhamaad

———————–Maxamed Xirsi 1996——————————