FAJACAAD

Gabaygan waxaa tiiriyey maxamed xirsi guuleed 18-07-94 wuxuuna kaga hadlayaa gabdhaha soomaaliyeed ee iskaga tegey dhaqankoodii ,xishoodkii iyo anshaxii fiicnaa ee hablaha soomaaliyeed lagu yaqaaney gaar ahaan kuwa jooga magaalada addis ababa ee dalka Ethiopia oo ayagu xiitaa magacyo kula baxay anshax xumaanta sida ” fagato, fardoolay, food-cad iwm”

Markaa gabaygani wuxuu macnaynayaa oo uu hadal u rogayaa muuqaalka bilaa yaxyaxa ah ee hablaha ficilkooda ka muuqda, maadaama laga yaabo inuu sii joogo Addisa-Ababa, in uu gaadhsiiyo dadka masuulka ah iyo gabdhaha naftoodaba wuuxu yidhi:-

1. Fajacaada aan Maxamedaw , dhaban faraa saaray
2. Ee aan foodda yaabka u qabsaday, fahan nin doorkiiye
3. Fikir gaabna maandhaw in lay, falay ku muusooye
4. Bal fasiro adaan kuu akhriyi, faalladaan galaye
5. Adigaa fayaw oon malaha fiise sugahayne
6. Ilaahay aduun kugu fadilay, firinfircoonaane
7. Oo faafinkara shay hadduu , faa,id leeyahay
8. Fahan oo dabuubtayda dhugo, faridi waa qaane
9. Waxa foororkiyo iigu wacan, fiiradiyo yaabka
10. Hableheeni oo fara baxoo, foor ku soconaaye
11. Garayskiina furayoo wajiga, Fiiqdo ku cadeeyay
12. Oo intay timaha soo fidheen, boorso fudud qaatay
13. Socodkana fiidmeertiyo ka daran , haada fagaglaysa
14. Oo bawdyihii faytaybaan, meel fog kaa jirine

15. Allaw yaa sidaw fiican iyo, fara wanaagooda
16. Allaw yaa intaan feenka iyo, fuuqu ka idlaanin
17. Ka fiirsada yidhaa xaajadaas waa fasaqanteene
18. allaw yaa fadhigu waa dantiin, duulka fahan siiya

19. fitnadiyo xumaantaan arkiyo faasuqiyo ceebta
20. iyagoo foodadii daadiyoo, qaarka sare faytay
21. iyagoo faq wada doonayoo, faranfardaynaaya
22. oo tiin faruur yaha marsadoon, fara rag diidaynin
23. filan waa ayay noqotay iyo haw fadhiyin taase
24. hadayse fool xumaantahay intaa, falal kalaw dheere
25. fasahaadka Raas ,ee ilaa fiinta lagu gaadho
26. Ee fiidka axadeed sidii faralka loo aado
27. farshaa lagu cabbaa iyo waxaan, faytamiin wadane
28. habeenkaa gacmaha loogu fiiq ta ufil roon tuuge
29. Markaasuu fataal baayactamay, Fogos ku qaataaye
30. markaasay fardoolay noqdaan faadumiyo luule
31. haday fiiro leeyiin xumaha fan uma qaateene
32. rag gayaana may kua faqeen faras magaalaaye
33. fiicnibay u haystaan iyana food cas lagu cayye
34. waxa fara xumayn loogu daray fagato weeyaane

35. allaw yaa sidaw fiican iyo fara wanaagooda
36. allaw yaa intaan feenka iyo fuuqu ka idlaanin
37. ka fiirsada yidhaa xaajadaas waa fasaqanteene
38. allaw yaa fadhigu waa dantiin duulka fahan siiya

—————–Maxamed Xirsi Guuleed 1994——————————