Haddaan Anigu qaabayn lahaa…05/09/2001 Maxamed Xirsi.

1. Haddaan anigu qaabayn lahaa dunida qaybteene
2. Qaxar iyo dhibaatiyo malaa qulub ma joogeene
3. Qalalaase iyo may jireen qayla dhaantaniye
4. Qab qab dhaafay waagii beryaba qiiq ma huriyeen
5. Qabiil laguma dhaateen dal aan qaadigii ahaye

6. Haddaan anigu qaabayn lahaa dunida qaybteena
7. Qawlaysatiyo tuug dhulkii kama qadhaabteene
8. Intii kalena qaansiyo hangool, weli ma qaateene
9. Biyuu qaniyad weeyee harraad lalama qaadheene
10. Qorraxdii duntaba meel madaw lama quluusheene
11.Qubaneey dhasheenii darxumo, uma qisaasmeene
12.Qoriddiyo kamay saahideen qalin tacliineede
13Qadhqadhyada habeenkii gidaar qabaw ma seexdeene
14Quustiyo waxaan biin lahaa qoomamadan baase

15. Haddaan anigu qaabayn lahaa dunida qaypteena
16. Qoqobiyo kumaan kala xidheen qaadhka naylahe
17. Qaraamiga jacaylkaba naftaa la´isu quudhaaye
18. Quluubtaan isugu beerilaa hays qadariyaane
19. Qaynuunka lama baal mareen qaabka uu yahaye
20. Qodobada distoorka ah sidii qaalib lagu doorto
21. qabsoo qawlka eebiyo sunnaha lama qilaafeen
22. Qalad waayimaayee hadaan marar qallooc yeesho
23. Wixii qoonaheen falay nin kale kuma qataareen
24. Qirashaan ka door bidi lahaa qarintu waa ceebe

25.Haddaan anigu qaabayn lahaa dunida qaybteene
26.Qasnaddiyo haddaan hayn lahaa qaranka maalkiisa
27.Qaad iyo kumaan iibsadeen qaaca buuriga’e
29.Qadra kuma aroosteen hantida qaranku leeyiine
30.Dadkoo wada qadoodiya anigu qurus ma hiigeene
31.Labbis quruxle kuma xaawiyeen qaawantoo badane
32.Qasri kama dhex tooseen sariir qaayo loo dhigaye
33.Afmiishaarna uma qaybiyeen, qaanta aadmiga’e
34.Bal qabsoo qasdiga aan rabaan soo qadimi laaye
35.Qacda hore qolyaha baahanbaa quud ka similaaye
36.Qofka qaawan iyo qoyska aan haysan qol u seexdo
37. ayaan dhab ugu qaadhaamin laa nolosha qaybtaase
38.Qacda kale qodaalkiyo dhulkaan qiimo gelin laaye
39Qacda kalena maal qurux lehoo qaadir ina siiyey
40.Qaalmihiyo ceesaamiyihiyo dibidan qooqaysa
41.Ayaan niman qorshe u soo rakiba qarash ku siin laaye
42.Qocda kale warshado qaaliyaan soo qotomin laaye
43.Qacda kale markuu uumiyuhu qiro wanaageena
44.Ee quudhsigii hore ammaan qarali soo dhaafto
45.Quruxdiyo qabkiyo muunadaan soo qayixi laaye
46.Quruun lagu hirtiyo saw markaa qaran san maan taagin?
47.Saw wixii rag kale uu qarribay qaladkii maan doorin?

—————-Dhamaad—————-