Helee bal maxaan hayaaba 2003-06-26

Hoheey maalmaha badhkood

Habeenka ayaa ka roone

Maxaan juun uuga heesi?

 

Halkay i dhigtaan arkaaye

Maxaan hambalyiyo bogaadin

Dadkayga u soo hibayn ba?

 

Gumaysi markuu i heeray

Markuu heeryada i saaray

kuwii heegada u fuulay

Inay hudiyaan dhurwaaga

Hangool iyo gudin u qaatay

 

Hankoodu shanbuu ahaa

Hubkoodu warmuu ahaa

Hees iyo gabay buu ahaa

Harraad u adkaysashiyo

Badheedh halisuu ahaa

 

Markii guushii la haabtay

La haabtay markii la hooyey

Markii farxad lala hobsheeyey

Markii hasha caaneheeda

Hadhuub loo soo cidaatay

Waxaa hororsaday nin heedhe

Dantiisa u heellanaa

Darbaa hawl yari u maalay

Hambana cidi iima dhiibin

Hunguri-juqjuq waa hubaale

Halaag cusub bay bilaabmay

Hadana waxa loo hawooday

Hal aan ka qatanay duxdeeda

Cadaawe inaan ka heego

 

Hoheeya hoheey hoheey hoh

Markaad adigoo hanweyn

Hungowdo ma wayraxdaa?

Ma hiiftaa ciil dartii

Waxaad hawl soo martiyo

Waxaad hindisaha lahayd

Berraad helaysaa dadaal??

 

Maxamed Xirsi Guuleed 2003-06-26