Intaasaan Alleyl kaa beryey

Waxa tiriyey tixdan Maxamed Xirsi Guuleed 31-01-2003. Wuxu yidhi:-

Allahaw aduunyada intaan anigu sii joogo

Kollay waa ayaamee intaan iilka la´i geynin

een laygu aabudhin xabaal layga imanaayo

Waxan adiga kaa tuugayaa tuban amuuroode

Aqoon, caafimaad iyo inaad ubad i deeqsiiso

Maal aada, iimaan xasila, shaac ka madhan eedo

Wixii aan ushoon helo waxaan ka ordo oo suula

Jacayl uunka ii gala, qofkii i inkiroo iisha

Intaasaan Allayl kaa beryood dhab awoodaaye

Iga wada ajiib Qaadiroow waan ku aaminaye

——————Maxamed Xirsi———————-