Layga Sugi maayo

Gabaygan waxa curiyey Maxamed xirsi Guuleed. Wuxu kaga hadlayaa dhaqamo isaga la xun balse ay dad badani hagaag moodaan. Maxamed wuxu tilmaamayaa inaan isaga marnaba laga sugayn dhaqamada noocaas ah. Wuxu yidhi:

 

Soomaaliyeey qodobo aan layga sugahaynin

Oo aan ka saahiday ayaan saaka qorayaaye

Sidaa igu ogsoonaada waa sir iyo caadkeede

 

Dharku siinad weeyaan Ilaah siiyey aadmiga e

Waa saanad dhaxan kaa dugsida siiga iyo boodhe

Waa suurad laynagu gartiyo sawrac-dhaqameede

Marra waa sitriga cawradiyo sax iyo muuqaale

Waa waxaynu kaga soocanahay soofka xoolahe

Hayeeshee wixii soconayaba qaar sitaa jire´e

Sancadii timaadaba anaan saarku ii qabane

Inaan qoorta sudho TAY  sidii saancadaha gaalo

Oo aan sidaa sharaf ka dayo layga sugi maayo

 

Askaruhu salaantay baxshaan sebenkan aan joogo

Sur la dhiibsho sawdkoo dallacan socodka oo giigsan

Siliciyo darxumaday mutaan saf isu taagooda

Iyaguba sarkaal jaahilay sanam ka yeeshaane

In sidooda aan falo wallee layga sugi mayo

 

Ruux kula sinjiyo diina oo kula ah soomaali

Oo aan wax lagu sooci karo sinaba loo haynin

Oo waa SAB weeyaan la yidhi laga Santaagaayo

Waa sawrac laynagu gartiyo dhaqan silloonaane

Soofdaran habawgaas inaan qiil u dayo saaka

Oo aan siddiqo Daakiroow layga sugi mayo (Daakir waa hogaamiye Madhibaan ah)

 

Nin kastaba sidbaa lagu dhaliyo tiro sagaalaada

Waxa saamigayga ah inaan kula sinnaadaaye

Adna inaan sarrayn kaa aqbalo layga sugi maayo

 

Salkii laga unkamay Xaawa iyo Aadan saracooda

Sees keliya weeyaan dad aan saxar is dheerayne

Kala suuraddiyo luqadu waa siro Ilaahaye

Sabab maaha qaarkoodba qaar kaga sed roonyiine

Hayeeshee dar ay seegtayoo, saas qabaa jira e

Saf inaan la soo galo kuwaas layga sugi maayo

 

Surimada hawaas iyo markaan Adari suureeyo

Saba wacan Garduur iyo ilaa tan iyo Siidaamo

Marka aan Siyalow fiirasadiyo soohdimaha Dhoobley

Ama Cali-sabiix iyo Ashica sax uga faalloodo

Ayaan sirinsirqoodaa nin Ciil saaqay baan ahaye

Sifahay gumaystuhu damceen laygu socodsiiye

Soomaali kala qaybinteed waa kuwaa sugaye

Balse inaan sahaalo u aqbalo layga sugi mayo

 

Nabadbaa sareediyo iska leh seexashiyo rayne

Sigashana dagaalbaa iska leh seefo loo tumaye

Sariir kuma dengiigsado nimay rag isa seegeene

Anna saymo waan soo arkiyo suudha dirireede

Intuu soodhku igu foororsaday salalay dhawr jeere

Sacabada colaad inan u tumo layga sugimaayo

 

Soddohaa cadhoodee hadeer, socodka deyn waayey

Sannifaada dumarkaas raggii, suufay jiriddooda

Ee dhaqankii sawjadi lahayd, saydhay badankiisa

Ee yidhi siniin iyo miniin, silicii naag gaadhay

Sababteeda nimankaa lahaa, oo sarrayn jiraye

Suxullada intaa qaawisaan, saableydiyo foodda

Waa in laba saf dumarkiyo ragii, laysu kala saaro

Sifafaale aakhiru samaan, sida ah weeyaane

Amba waan saluugsanay waxay, silic mutaysteene

Safka horena waan ugu jiraa, sidan ha dhaameene

balse dhaqanka kii saxan ka sugan, kii sunniyo diina

Ku safaada oo aan idhaa, layga sugi mayo

 

Subaxdii timaadaba dantaa lagu sar gooyaaye

Salli iyo adoon heli karayn dhaxanta suuf biiya

Inaad daar sallaxan raadisaa maaha daw saxane

Sirta noloshu waa adiga oon seexan kari waayin

Anna samada maal yaal inaan uba saruuroodo

Ama saami ruux kale u dudo layga sugi maayo

 

Waxaas aan ka saahiday dadyow saacidaa jira e

Waxyoow aan sameeyana darbaan siisanayn lacage

Saw inuu midkaayuun sax yahay sadar ma qeexaayo?

 

 

 

Dhamaad  2003-09-28  Maxamed Xirsi Guuleed