OORI

Waxa gabaygan tiriyey Maxaned Xirsi Guuleed isagoo jooga wadanka Sweden 1995. Waxana ka soo codsaday gabay ku saabsan dhiirri gelinta guurka saaxiibkii Cumar C/laahi Yasir oo joogey markaa wadanka kanada. Wuxu yidhi:-

1. Cumaraw astayn gabay baryahan uurka maan geline
2. Aradkii sidaan uuga imi aamus bay dilaye
3. Istareex mar qudha uuma tirin ereyadaydiiye
4. Indhahaabu ii furay haddeer eeg warkaad tidhiye
5. Aan asteeyo cawoo kalay eegtay maansaduye

6. Dhaammaan aynigaa kacay haddee guur u ololaystay
7. Ee inay aroostaan hiyiga uga alaabaystay
8. Ee ereyga eebbiyo cuskaday udubka diintooda
9. Asturkana ka door biday waxaa dunada aafeeyey
10. Ku abshira dheh! kaalmada ilaah ma anbanaysaane
11. Ilaa Xaawa iyo Aadankii la iska aasaasay
12. Laba aqal sameeyey nafluhu ka unkamaayeene
13. Anbiyadii ilaahbaa lahayd ooryo khayr badane
14. Haddii aanu uur hooyo galin nebi ma uunmeene
15. Haddii aan aroos loo lalabin ubad ma beermeene
16. Nin abwaani hadal uu yidhaa looma urureene
17. Axmed-gurey ma geysteen waxaad wada ogsoontiine
18. Afgaan Ruushka kama caydhiyeen ehelu tawxiide
19. Ku abshira dhe kaalmada ilaah ma anbanaysaane

20. Waxaa aqal la sibidheeyay iyo uunka nolol taalla
21. ama aalad raaxiyo xariir loo abtirinaayo
22. Inkastood aduunyada mulkido dahab iftiimaaya
23. Haddaan garabka umal kaa fadhiyin malaha iidaane
24. Hayeeshee marbaad oon horliyo olol ku ka dheeftaaye
25. Markaasaad asqawdaa adoon ayni weyn jirine

26. Aragga iyo muuqaalka kore looma aamino,e
27. Ilayskeeda maartaba darbaa iibsadon garane
28. Arrin lagu hayaamiyo haddii aqal la taagaayo
29. Asaaskaw horrayn reerra waa ooridii wacane
30. Abqaal iyo kolkii beer anfaco lagu abuuraayo
31. Iniinyaha haddii aan la sugin aayotiin malehe
32. hablahaa islaamkee sharciga ood ka dhiganaaya
33. Ee asturay jidhkoodee xijaab edeb u soo qaatay
34. Afka lagama dhawree ka mudan oogtii baayacane
35. Mid ayaanta soon iyo intii farala oogeysa
36. Oon asluubyta dumar leeyihiyo ka arradnayn diinta
37. ruuxii ayaan laa ku hela siinta eebbahaye
38. Ha ilduufin taladaydu way ku intifaacaane

Dhamaad
————————–Maxamed Xirsi 1995——————————–