Salaama

Maansadan waxa tiriyey Maxamed Xirsi Guuleed 07/07/1997 isagoo jooga dalka Swedan.

 

 

Sidaan hubo laba tobnaad

Anoo da,da sare ka maray

Asseen soddon weli kamilin

Ayaan surmo oodan iyo

Kun saymiyo eed galee

Sideetan qofkii jiree

Siday dad la daaq lahaa

Maxaa saxariir aduun

Salaama,e soo qabsaday

 

Sifaa Aadame cabdow

Wax sadar buug lagu qoriy

Wax gabay lagu saafa iyo

Sarbeeb ku tilmaamisiyo

Wax uu sawir qaadi karo

Sidaan qabo igala badan!

 

Sarkhaan iyo dawdariyo

Sakhiif iyo jaahil iyo

Danseeg iyo saaqid iyo

Dabbaal soori qaadatiyo

Sawaab dhoqorjaaya iyo

Dhabcaalka safkiisa iyo

Waxaanan sifayn karayn

Ayaan subaxdii gashaba

Suuq weyne ku qaabilaa!

 

Waxaan ka siqsiqi lahaa

Sallaamo ka fuuli laa

Ayay dad u soof tagaan

 

Waxaan maro saari laa

Sahaalo ku dhaafi laa

Ayuu saqajaan qodaa

Ka soo safriyaa xumaan

 

Waxaan sebi qoonsadeen

Sakaaro ka biirsateen

Ayaa marmar suuq galoo

Qof siidh xumi biirsadaa

 

samaan Hadal aan u idhi

Ujeeday sintiisa fiican

Maxaa si xun loo macneeyey

War aan saddex erey ku sheegay

Intuu sarrif beena yeeshay

Muxuu soddon iiga baahday

 

Ruux aan qalbigeyga siiyey

Ku sooray wax aanan haysan

Ka siiyey cid aan u quudhin

Halkaan ka sugaayey xeer san

Muxuu dibdib ii salooshoo

Fadeexado ii ameeyay?

 

Sabaalo wax aan ku waayey

Maxaan sabir uuga leexday

Intaan sahashaday amuur

Muxuu socod ila fogaadey

Qof aan si yar uugu baydhay

Sabaanno ka qoomamooday

 

Qof aan sumcadiisa dhawray

Muxuu saxariirkay maagay

Naftayda la doonay saymo

Markaan sigtay uun ogaadey

 

Sokeeyahay ruux ahaa

Intaan sababo u cuskaday

Muxuu qalbigeygu suufoon

Salaanta ka qaadi waayey

 

Aduunyadu waa sidaa

Sanooyin qof aad jeclayd

Ayaad sikin kaga tagtaa

Dad waa kala soocanyahay

Darbaa lala socon karaa

Kuwaa si kastaba aqbala

Qofkii sare kaaga muuqda

Samaan higso baa haboon

Sokeeyaha dhawro oo

Ha saydhin ayaa haboon

Cidii kula siman khalqiga

Sidaad adba jeceshihiyo

Saaxiib wacan baa haboon

Qofkii dib u socodaheen

Sinaba kuu raacahayen

Salaama dheh baa haboon

 

————-Maxamed Xirsi 1997———————–