Date: Sun Sep 24, 2000 3:50 am
Subject: “Shiinley 3aad” about SL. politics!

Asalaamu calaykum

Walaalayaal waxan idiin soo gudbinaya gabay hal xidhaale siyaasadeed ah, oo ku
saabsan halka uu marayo xaalka dalkeena iyo dadkeenu. Waa gabay “shiinley” ah
oo la sawrac ah gabayadii aan laga jawaabin ee Cabdi IIdan iyo Dheeg. Waxan
dadka abwaaniinta ah ee reer Maandeeq u soo bandhigayaa su´aalo igu wareegaya
oo jawaabtoodu furan tahay. Waana kan gabaygii:

1. Cabdibaa shirrabay waayo hore tixaha shiinleye
2. Shookaanta waxa sii dawaray shubanihii Dheege
3. Raggii kalena sheex iyo baqay wada shareerteene
4. Shib ayey yidhaahdeen markii shiinka loo rogaye
5. Aniguna shaxdaan dhigay haddeer waan shardiyayeeye
6. Shan midh law ha soo gelin murtidu ma´aha shay baadhe

7. Hadday laba shabeeloo dad cuni adiga kuu shawrtay
8. Oo shuqul dugaag waad ogtaye shidho lagaa yeeshay
9. Shafka waxa midkood loo gashaday laba shar weeyaan
10. Midka kalena shebeg loogu xidhi sheeg haddaad garato?

11. Sheekh iyo raggii galay dhulkii laga shiddoonaayey
12. Nimankii Birjeex yidhi shuq ee sheeko ba´an reebay
13. Shebegii Mandheeraad raggii shaahid kala tuuray
14. Waxa haatan shiish loogu qoray sheeg haddaad garato?

15. Shariiryaan lahaa way ka cuni hilibkay shiileene
16. Nin ka sheegan maayaan lahaa shaaricii Herere
17. Shaambis baan lahaa waxay ku mari Daalo iyo Sheekhe
18. Shamso siday yihiin baan lahaa waa la shaac bixine
19. Waxa shaambad reer loogu nabay sheeg haddaad garato?

20. Sharraxnoow suldaankii lahaa shaanigiyo muuqa
21. Nin is sheegay maahee isaga tiisu waa sharafe
22. Illamaayo Sheekh yuusufbuu shaalka soo sidaye
23. Ha yeeshee war soo shaacbaxaa shiday naftaydiiye
24. Muxuu Faqash intuu uula shiray ula shuruud qaatay?
25. Illeen shalayba waatuu la dhacay sumuca shiilkaaye
26. Shucuurtiisa waxa maanta rogay sheeg haddaad garato?

27. Kol hadduu shinkeed go´o colaad baaba shaxartaane
28. Dhiig shalalax leeyaa markuu shaaracyada buuxshay
29. Shaabuug markii laysla dhacay sida shiraaq duuga
30. Nin shahiiday mooyee markuu shicibku dhiilaabay
31. Shakhsigii damiir qabay haddaan skooki lagu haynin
32. Shaki ma laha inu dooran laa shul iyo haaliige
33. Hayeeshee shu´aysiba ragbaan sheekadeed geline
34. Shaqadooda nimankii watee Xamar sharaabaayey

35. Nimankii shaleemada ka biday shicibka luufluufay
36. Iyagaaba shilimaad ku qabay laga shallaydiiye
37. Waxa shaadhka Maandheeq u xidhay sheeg haddaad garato?

38. Shirkaddii hagaagtaayi waa tii shuruuda lehe
39. Inaan subag rag kale loo shushubi wax uga shaandheeyo
40. Shafshafana ha joogtee aseen shilin yar lay dhiibin
41. Oo aan weliba duco waa shifee ula shiraaqnaado
42. Waa sheeko aan soconahayn sharad Ilaahaye
43. Wuxu shaacir saa hore u yidhi sheeg haddaad garato?

Maxamed Xirsi Guuleed 22/09/2000

Date: Fri Oct 13, 2000 2:18 pm
Subject: “Shifo” “Silsiladdii Shiinley ee Maxamed Xirsi”

Mudane Maxamed Xirsi Guuleed;

Mahad waxa leh Eebbe(SWT), mudnaanta labaadna nebigiisa Muxamad ah(SCW),
adiguna intii aadmi qayb u helay ayaan kuusoo gudbiyay.

Runtii waxa tixdaadii ugu celisay taariikh hore, waa taariikhdii Deeleyda
iyo xakamayntii alla haw naxariistee Cabdi Iidaan. Waxaan xusuustaa muddo
dhexe oo aan maalin maalmaha ka mid ah dhegaystay tixda Dheeg kaga jawaabayo
gabaygii Cabdi Iidaan.

Sida hadalka Dheeg iiga dhadhantay marka uu gabayga ka jawaabayo Cabdi
Iidaan wuu sii mootanaa. Wuxu gabayga u dirayaa Hadraawi iyo Muqdisho,
Hadraawina Muqdisho wuu kasii maqnaa.

Sikastaba ha’ahaatee wuxuu Cabdi Iidaan qarqarsi adag ku giijiyay maansadii
jiiftada ahayd ee Asli iyo Buraaleba loo wada tafaxaytay….

Adna Maxamed dhiggii Cabdi Iidaan waxa afsaar culus kusoo rogtay
qalinduurlayaashayadii ardaaga iska-dhexbatalaqsanjiray.

Horta wax kale kuma garatide si aan gabaygaagii gabay canjil ugu sameeyo
waxaan raadsaday wax sh-du ku badantahay. Anigoo awelba carrabla’aa ayaan
makhaayadihii Liverpool oo dhan isu-wada maray. Waxaan is idhi bal horta
si’aan sh-du afkaaga uga dhammaan “Shaaha uun dalbashadiisa badso”,
sharaabka laftiisana carrabka ku hay, shahaadada, shahiidka dagaalka ku
jira, shahaadooyinka la qaadanayo, shabbadaha suuqa maraya, hooy
shabbaddaay, shabbaddaay, shiikha Masaajidka fadhiya………………

Hadal iyo dhammaan markaan sh- ka ciilbeelay ayaan is idhi bal gabaygii
Ina-Xirsi Guuleed haddaba canjil, dedaalkaygii oo dhammi wuxuu soo dhiiqay
“SHIFO”, waxaan is idhi intaan midkiin god-gelin oo dabadeed ka kale sidii
Dheeg iyo Cabdi Iidaan qabriga kaga dabageyn bal “Shifo” hore u
tukhuntukhi”, waxay tixdii oo caynwareegsani tidhi;

******Shifo “””” Curatay 12kii Oktoobar 2000, Liverpool “”””””

1. Shiinley abkeed Maxamedow; Uma shiraaqnayne’
2. In-dhowayd shindhalankeed ma-furin; Shaaxin marinteede’
3. Shan-midhlahaad-tilmaantiyo markii; Badow ku sheexaaxay’
4. Sharafteeda goortii aftahan; Shubaba loo waayay’
5. Ay shalow ku aynfaadday baan; Jaray shaxdeediiye’
6. Mar haddaadse shaalka u xidhoo; Sheedda uga baaqday’
7. Waa laga shinqaataa abwaan; Shaacir gabayeede’
8. Bal aan shiisho maankiyo nabdigu; Shiriye geeraare’

9. Sheekadan adduun ee tacsida; Shuushka lagu baantay’
10. Sharqi iyo maqaariib dhibtiyo; Sharad go’aa taagan’
11. Ninkay laba shabeel oo dad cuni; Galab usoo shawrtay’
12. Een shidix ka-wada-caabiyiyo; Sheed ka xidha haysan’
13. Caqligow shifeeye ah inuu; Shiisho kii ba’ane’
14. Ka-kalena shardaa lagu xidhee; Sow shirrabid maaha???

15. Shilka dhacay shullaha lays-dhigiyo; Shaambaddii nacabka’
16. Shiilcastii rasaastiyo madfaci; Laysku shebekeeyay
17. Shulug iyo dharaartii halligan; Shacabku dhiillaabay
18. Ragga ficilku waa kala shidaa; Shaahid iyo qayb’e
19. Shaki male inay hanaddo kacay; Sharaf mutaysteene’
20. Sharaddooda nimankii huree; Shidayay baaruudda
21. Shacni baa dadkoodu u hayaa; Shaal iftiin badane’
22. Taariikhda shiigiyo intay; Dunidu shiilmayso
23. Shucaaciyo ilayskoodu waa; Shay-aan damahayne’
24. Kuwa shiishka loo qoray ragguu; Gabaygu shaandheeyay
25. Inay toodu shulux hoose tahay; Gaambis shalay beermay’
26. Ama sheegatadi duul ka hadhay; Sow shir furan maaha???

27. Shillal iyo walaalkii ninkii; Shebeg kasoo baantay’
28. Shacbigiisa oo dilan ninkii; Shidhuxu uu diiray
29. Shiikh iyo markii lagu dhugtamay; Maantadii shicibka’
30. Ninkii sharadda quudhee ku riday; Holoca shiilmaaya’
31. Shamsadii cadceeddiyo inuu; Sida shucaac nuuro’
32. Uu shamaxli Daaliyo ku maro; Shiikh ilqabadkiisa’
33. Oon cidi kasoo sheegan-karin; Surinkastoo sheyban’
34. Sharciyada dhulkeennaa qoroo; Shaambad lagu qeexye’
35. Shakibaase dhawr tuduc murtida; Shiinka hoos galaye’
36. Shaashlahan markay kala-qallayd; Sheedda fananaayay’
37. Een shuruf qabiil daayinkii; Kaba shifoobaynin’
38. In la-shuqashuqeeyaa darbane; Sow shaki la’ maaha???

39. Boqornimadu waa sharaf rabboo; Weyne kuu shido’e
40. Sheegsheegga kuma baanantiyo; Ii sharraxa kaase’
41. Shuruuduu raggii hore ku xidhay; Sheybihii talinne’
42. Ninkay shaahid weeyee degmadu; Sheegto hibadiisa’
43. Sharad-go’a colaadeed dharaar; Shuf iyo baaruuda’
44. Shiishka iyo hootada markay; Baaska shidan gaadho’
45. Ee udub iswada sheeganjiray; Shaniba baal aaddo’

46. Ninka shaalka nabadda-u-xidhee; Shiriya maamuuska
47. Marti gaajo shiishiyo ninkii; Shaadhyara quudsha’
48. Shiikh guuna sebi shiiqayiyo; Shidhix gammuur dooba’
49. Shebbed gabadha habar shaambisiyo; Shiriso waayeela’
50. Nin shacbigu wuxuu qabo ogoo; Sheedda kala jooga’
51. Shacni bay murtidu leedihiyo; Shaxan tilmaameede’
52. Nin higgaadda shubisteed bartiyo; Shicirka dawgiisa’
53. Nin sharraxa wuxuu damacsanyoo; Shacabku qiiroodo’
54. Oo waxa shafkiisaa fadhiya; Shaaca ka caddeeya’
55. Ninkaasaa Suldaan lagu sharfaa; Loo shintiriyaaye’’

56. Mar haddii hunguri kuu shushubo; Maanka sharaftiisa’
57. Shukaankaaga weecdaa hadduu; Shilin adduun raaco’
58. Sharaftiyo xilkaagaba haddaad; Shaadh la tolay mooddo
59. In Saldanadda shuush kaa galaa; Sow shaki la’ maaha???

60. Dalku shalay colaad lagu rogmaday; Shaambigeed maqalye’
61. Shanxariir ma-noolee markay; Dawladnimo shiiqday’
62. Gobannimo shinkeedii markay; Shaadh qabiil xidhatay’
63. Markii shooki qaadiyo ardada; Shebegga loo deyray’
64. Nin shahiiday waa qoranyihiyo; Sheybihii kacaye’
65. Ninka ayse sheekadu ahayd; Shiiqa maqalkooda’
66. Dhulkoo shidan sharaabkiyo ninkii; Xamar ku shaahaayay’
67. Waxa shaadhka maandeeq u xidhay; Waa shilkii dhacaye’
68. Geeribaa shir lala-qaatay-iyo; Sheeko laga reebay’
69. Waxay tidhi shandhalad waxan-u-dilay; Sharad hed mooyaane’
70. Inaan Hoorri aan sharaf mudnayn; Shaadh u xidho caaqil’
71. Maahmaahdu shaac iyo if iyo; Shamista nuurkeeda’
72. Halkay shaamareer talo fadhido; Sow shaki la’ maaha???

73. Sharafteeda maansada haddaan; Shidhixa baaqbaaqo’
74. Shillal teedsan shaafiga sakaar; Shuxayo guudkiisu’
75. Legga oo shilayskii baruur; Shalakhle loo daayay’
76. Shanshadiyo tagooggoo nin jecel; Sharad dhan loo siiyay’
77. Shifo iyo degmada oo dhammaan; Sheylillee huguntay’
78. Shabbad ugub dhallaan shuguxle iyo; Shoofle warandheera’
79. Inta shirarka doontiyo intay; Shaqo usii taallo’
80. Shinnidiyo dadweynoo sidii; Raxan u shawraaya’
81. Oy talo shanshadii keli ahayd; Sheeko ugu waartay’
82. In Xirsow shindhaladkaa ku jiro; Sow shaki la’ maaha???

Waa Cabdillaahi Cawed Cige, Liverpool UK oo adiga iyo xerta kaleba idinku
dhaafaya “Isma-dhaafno weligeen; Innagaan isdhaadayn”….