1.1. Wax badso wax beel bay dhashaa

Riwaayadan waxa wada meteleya 8 qof oo kala ah 6 arday,hal macalin iyo hal waalid. Lixda arday afar way fiicanyihiin oo way dadaalaan labana waa saaqidiin. Marka labada saaqid u yimaadaan, waxay duufsanayaan ardaydii fiic fiicnayd labo ka  mid ah. Macalinkii ayey talo ku caddaanaysaa. Wuxu isku deyayaa inuu kaashado labada saaqid waalidkood. Balse waalidka uuma muuqdaan waxay khalad samaynayaan caruurtiisu.

Muuqaalka 1aad:

Waa salaan loo jeedinaayo daawadayaasha

Faysal:      dadka saaladan joogoow

           Intiina soo socotaysiyo

           Kuwa sooryada maanta

           Isa saaray xilkeedoow

           Saqiiraw  ubadkiiniyo

           Sayncadaadi gaboobiyo

           Salaasiin  ku joogoow

           Sida aa u dhantiinba

           Waad  salaamantihiine

           Assalaama Calaykum

 

Fu´aad:          Asalaama Claykum

           Waa salaanta Islaamkoo

           Summaddeeda u gaarey

           Salaamaa kale dheertaan

           Kuu sifaynahayaayey:

Sarreeyaw Rabbigeen

SUBXAANAW nasahnaaye

Magaciisa SALAAN baa

Laga dheegtay sarteedoo

Waa cibaado sawaablee

Af saloogan ha moodin

 

Haduu ruux soconaayo

Isagaa xil la saaray

Inuu kii sarajooga

Iyo kaan sara joogin

Iyo kii kursi saaran

Ama jiifa sariirta

Ku bilaabo salaantee

Yaan nadaamka la seegin

 

           Gacmohoo sacabkooda

           Si nool laysugu dhiibo

           Waxay saacidayaan

           Afka sawd laga sheegoo

           Xumahay salabayne

           Yaan sahaalo la moodin

 

Marwaan:

Assalaamacaykum

Waa salaanta Islaamkoo

Sifeheeda u gaaraan

In yar sii wadayaaye:

Salaantii qof haweenoo

Geyaankeedu sugnaadoo

Aan Sawjadaada ahayn

Waxay kuugu sugnaan

Gacantood kor u saydhiyo

Sawdkaagood maqashiisee

Sunnihii nebigeena (scw)

Waxba yaan la saluugin

 

Mursal:           Asalaama Calaykum

            waa salaanta ISlaamkee         

Sayidaw nebigeeni

beribuu saf asxaaba

ugu dhaartay si diirran

            suubanay jannadii

inaan loo safanaynin

            haddii aanay saxnaan

            saatir aaminidiisu

            taasoo aan sugmahaynin

            jeeroo uu sedrigiinu

            isu saafi ahaadoo

           is jacayl idin saaqo.

 

           Su´aalbaanu u raacshay

           Ma rabtaan sifadiisa

           Wax haddii la smeeyo

           Saani laysu jeclaado?.

           Iyagoo sugi waayey

           Warkan Saadiq u sheegay

           Ayey sawd ku cesheen

Kaba saar ma rabtaane

           Noo sifee nebiyaw!!

 

           Isna waabu sargooyoo

           Wuxu uugu sukuumay

           ”isku baahsha salaanta”

           anna waan sugayaayoo

           sunnahaan falayaaye

           ”assalaama calaykum”

 

Macalinka:

Assalaama calaykum

waa salaanta Islaamkoo

qofna khayr kuma seegee

sadexdeeda xubnood

Sadarkood qof dhameeyey

Ajarkii soddon weeyee

 

           safar kii u kacaayiyo

           kaa sagootiyeysaaniyo

           saani kaw kulantaanba:

           U su´aala Ilaahay

in sibbaaq nabadeed

Laga yeelo sedkiisa

           oo samaan naxariisa

           iyo siyaadiyo khayr

            Sahaydiisu ahaato

          

   Asalama calaykum wa raxmatullaahi wa barakaatu

 

Marka uu qof waliba salaantiisa akhriyo ayuu meesha ka dhaqaaqayaa, marka laga reebo macalinka oo isagu ugu danbaynaya.

       

Muuqaalka 2aad

Waxa kulmaya 4:ta arday ee kala ah Faysal, Fuáad, Mursal, Marwaan iyo Macalinkooda. Waxay wada qorshaynayaan habka ay waxbarashadu u soconayso. Iyaga qudhooda ayuu macalinku weydiinyaa aragtidooda. Waxanu macalinku u kala dirayaa laylisyo kala duwan.

 

 

 

Macalinka:

afar warqadood oo yaryar ayuu gacanta ku hayaa. Warqad kasta waxa ku qoran maaddo. Qofka qaata ayaa ka soo jawaabaya su´aalo maadadaas ku saabsan.

-Faysal: wuxu qadanayaa warqad ay ku taal kalmadda         ”shanlay”.

– Fuáad: Wuxu qaadanayaa warqad ay ku qorantay               ”xilli soomaali

-Mursal: wuxu qaadanayaa warqad ay ku taallo         ”nebiyo

-Marwaan: wuxu qaadanayaa warqad ay ku qoranatay          ”todobaalay

 

-Macalinka:

Marka hore mid walba wuxu waydiinayaa wuxu qaatay:

 

  1. Faysalow waxad qaadatay maadada SHANLAY. Waxaanad soo baadhaysaa shan wax oo ka kooban min shan qaybood.
  2. Fu´aadow waxad qaadatay maadada xilli tirsiga soomaalida. Waxad ka soo sheekaysaa magacyada iyo qaybaha wakhtiga ee soomaalida.
  3. Mursalow waxad qaadatay maadada ”Nebiyo” waxad soo sheegtaa Nebigii ugu sabirka badnaa, nebi aan cidina dhalin, nebi ilaahay la hadli jiray iyo nebiyo madaxweyne ahaa..
  4. Marwaanow waxad adna qaadatay maadada ”todobaalay”. Waxad soo sheegtaa todoba wax oo kiiba todoba qaybood u kala baxo.

 

waala la kala tegayaa.

 

     ————-Dhammaad muuqaalkii 2aad—————–

 

 

Muuqaalka 3aad.

 

Wuxuu muuqaalkani muujinayaa Hanad, Hayaan iyo waalidkood Muxumed. Waalid Muxumed wuxu dhalay Hanad wiilka Hayaan-na adeer ayuu u yahay oo wuxu ka soo kexeeyey walaalkii oo reer miyi ah. Markaa Hayaan reer Muxumed ayuu la degen yahay.

Marka ugu horreysa waxa kulmaya Hanad iyo Hayaan.

 

Hanad: waar aabo ma aragtay?

Hayaan: maya, wuu yara habsaamee waynu iska sugaynaa.

Hanad: waar waan soo yara noqonayaaye hadduu aabo yimaado hayga tegina ee i suga.

Hayaan: oo xageed tegeysaa?.

Hanad: meel halkana ayaan ka soo yara noqonayaaye!!

Hayaan: come on!! Hanad, maanigaad wax iga qarinaysaa. Waan garanayaa inaad dukaamaada wax ka soo xaddaaad rabtaaye, runta ii sheeg.

Hanad: hiiiiihiiii!!!! Ninyaw dukaan halkan ah ayaan ku arkay  surwaalo balbalaadhan oo qaaliya. Markaa dee waan soo laalaadinayaa uun.

Hayaan: waa maarkadee na?.

Hanad: waa …juu jaa Jiins…

Hayaan: al!!! Ma tii Tobbaak xidhan jiray?  Dee anna aan ku raaco.

Hanad: maya maya. Adigu aabo halkan ku sii sug yaanu inaga shakiyine. Anna haddaan laba surwaal soo helo waan inoo soo wada xadayaa. Haddaan mid soo helana waynu wada yeelanaynaa.

Hayaan: waayee bal iska tag oo soo dadaal.

Hanad: okey, jaaw, wuu yara dhaqaaqayaa, haddan wuu soo jeedsanayaa. Inaadeer ii soo ducee!!

Hayaan: okey Ilaahay ha kuu soo dhiibo dee!  Jaaw!!!

Hanad: wuu tegayaa waxana meeshii ku soo hadhaya Hayaan.

Hayaan: ii soo ducee ku lahaa!!!. Oo horta ducadaas oo kale miyaa la aqbalaa?.

 

Waxa imanaya waalid Muxumed. Waxay isa salaamayaan Hayaan.

 

Hayaan: adeer waad soo daahdee maxaa kugu dhacay?.

Muxumed: waar aamus dadka waaweyn waxaa lama waydiiyee!!….. mee kii Hanad?

Hayaan: adeer in badan baanu halkan kugu sugnoo, markaa wuxu yidhi meel halkana ayaan ka soo noqonayaa.

Muxumed: oo muxuu meesha halkana ka soo qabanayaa?.

Hayaan:  Ilaahay baa og!. adeer waxaa caruurta lama waydiiyo!.

 

Waxa isla markaa imanaya Hanad oo degdegaya. Waxay isku dhegayaan aabihii Muxumd si aanay Hayaan isugu dhegin. Waxay isku celcelinayaan Aabo iyo Aabo.

 

Muxumed: Aabo waxan maanta idiinku yeedhay…….

Hanad: oo Hayaan-na miyaanad u yeedhin?.

Muxumed: mayee labadiinaba waan u yeedhay.

Hanad: haddaa maxaad Hayaan ugu tidhi aabo saw adeer uma tihid.

Muxumed: mayee aabbo iyo adeer waa isku mid. Dee anaa Hayaan halkii aabaha u jooga, maadaamoo aabihii walaalkay yahay oo uu inaga fogyahay.

Hanad: waan fahmaye, maxaad noogu yeedhay?

Muxumed: waxaan idiinku yeedhay waxan doonayaa inaad wax barataan. Waxa magaalada ka jira macalin wax walba dhiga. Markaa macalinkaas ayaan idiin geynayaa oo aad wax ka dhiganaysaan. Ma fahanteen?.

 

Hadan iyo Hayaan: haa!!

Muxumed:  Markaa berrito ayeynu is raacaynaaye diyaar garooba!

 

Wey dhaqaaqayaan

 

Muuqaalka 4aad

 

Waxa kulmaya macalinka iyo afartiisii arday. Waxay ka warcelinayaan layliskii loo diray. Iyagoo ku dhex jira casharkii ayey  waalid Muxumed iyo labadiisii caruur ahaa imanayaan.

 

Macalinka: waxaan filayaa inaydun  u soo diyaar garawdeen tijaabadan cilmiga ah ee kooban. Markaa waxaan qof walba waydiinayaa maadadii uu doortay. Diyaar ma tihiin?.

Ardaydii oo dhan: Haa !!.

 

Macalinka:  Faysalaw waxad ka sheekaysaa shan wax oo kiiba ka kooban yahay shan qaybood?.

Faysal:  shan wax oo  kiiba shan qaybood ka kooban yahay waxay yihiin:

  1. salaadda faralka ah, shanta salaadood
  2. diin islaamka, shanta arkaanul-islaamka
  3. gacanta, shanta farood ee gacanta
  4. dhulka Soomaalida, shanta Soomaaliyeed
  5. kooxdii nebiyada ugu hawsha badnayd ee shantii Ulul-cazmi

 

Macalinka: Fu´aad maxay adiga ahayd maadadaadi?.

Fu´aad: Waxaan doortay xilli tirsiga soomaalida. Waxaanu u kala qaybsanyahay sidan

  1. Sannad: Sanadku wuxu u qaybsamaa afar xilli oo kala ah: Gu’ , Xagaa’ Dayr’ iyo Jilaal
  2. Bilo: waana 12 bilood oo qiyaastii min 30 cisho ka kooban
  3. Todobaad: wuxu ka kooban yahay todoba cisho
  4. Maalin: waxay ka kooban tahay habeen iyo maalin
  5. Caano-maal: waxay ka kooban tahay laba gelin, gelin hore iyo gelin danbe.
  6. Gelin: marka maalintii laba nus loo kala qaybiyo mid ahaan. Gelin hore waa maalinta nuskeeda hore,gelin danbena waa nuska dambe. Habeenkiina wuxuu ka koobanyey laba gelin

 

Macalinka: waad mahadsantahay Fu’aad, imakana waxaynu dhageysanaynaa Mursal.

Mursal: okey! Waa hagaag!…..

Waxa si lama filaaana u soo gelaya waalid Muxumed iyo labadiisii wiil ee Hayaan iyo Hanad.

Waalid-Muxumed: waar salaama calaykum!.

Macalinka iyo dhamaan ardayda: wa calykuma salaam!!

Waalid Muxumed: sheekh raali naga ahaada waanu idinka dhabqinee.

Macalinka: maya, wax dhibaato ah ma le.

Muxumed: sheekh, macalin nimanka yaryar ayaan rabay inay wax bartaan oo aan iskuulka ku daro.

Macalinka: adeer raalli naga yara ahaada, waxanu ku dhex jirray tijaabo cilmiyeed yar oo dhakhso u dhamaanaysee. laakiin waaydun nala dhegaysan kartaan.

Waalid Muxumed:    marxabbiyo gudoon!-… inoo wada.

Intuu wiilashiisa ku jeesto ayuu odhanayaa: adeer buu ku leeyhaay! Tolow ma inaan ka weynay ayuu isu qabaa.

Macalinka: ( Intuu ardayda ku jeesto) haye Mursal; ku soo dhawoow hadalka.

Mursal:           waxan ka sheekaynayaa nebiyada qaar ka mida

  1. Nebigii ugu sabirka badnaa waa nebi Ayuub
  2. Nebiga aan cidina dhalin waa nebi Aadan
  3. Nebiga sida tooska ah ilaahay uula hadli jiray waa nebi Muuse
  4. Nebiyada madaxda ahaa waxa ka mida: nebi Daa’uud iyo nebi Saleebaan oo boqorro ahaa iyo nebi Yuusuf.

Macalinka: waad mahadsantay Mursal. Ugu danbayntiina waxaynu dhegaysanayanaa walaalkeen Marwaan. Soo dhawoow Marwaan!!

Marwaan: waayahay!! Waxan ka sheekaynayaa todoba wax oo kiiba todaba qaybood leeyahay. Waana sidan:

  1. Cirka: waa 7 cir
  2. Dhulka: waa todoba dhul
  3. Cadaabta: waa todoba cadaabood
  4. wiiga: waa todba cisho
  5. qaaraduhu waa todoba qaaradood.
  6. hmmm
  7. hhmmm

Wuu garan waayey labada kale.

Macalinka: jasaa ka allaahu khayran Marwaan!. Dhamaantiina waad wada mahadsantiin. Si wanaagsanbaa shaqadiina u gudateen. ( wuxu ku jeed sanayaa xaga Muxumed) idinna adeer soo dhawaada, hadda ayuu hadalku idiin furanyahay.

Waalid Muxumed: asalama calaykum. Sheekh waxan waday labadan nin oo aan la rabo inay wax dhigtaan. Markaan maqlay sida iskuulkaagan wax loogu barto ayaan jeclaystay inay iyaguna faa’iidaystaan. Markaa sheekh nimanka iga qabo.

Macalinka: horta waa si wanaagsan, ciddii wax baranaysaba waanu soo dhaweynaynaa. Laakiin waxa jira shuruud u dejisan iskuulkayaga, waxanan rabaa inaynu marka hore shuruudahaas ka wada hadallo.

Muxumed: Marxabiyo gudoon!!. Waayahay.. marxabiyo gudoon

Macalinka: Hadaba aynu dhalinyarada iska fasaxno si aynu u wada hadallo. ( wuxu ku jeedsanayaa ardaydiisa) maanta halkaas haynoo joogto waxbarashadeeni walaalayaal.

Ardaydii: waayee assalaama calyakum. Way dhaqaaqayaan…

Muxumed: (isna wuxu la hadlayaa labadii wiil),  waar idinna iska taga, gurigii ayeynu isugu imane.

Labadii wiil: way dhaqaaqayaan  iyagoo leh Jaaw!!

Macalinka: (gacanta ayuu fidinayaa), horta barasho wanaagsan. Magacaygu waa Maxamed, in sheekh laygu yeedhana waan ka xanaaqaa, weliba markaan ardayda la joogo.

Muxumed: barasho wanaagsan. Magacaygu waa Muxumed, in adeer iyo waxaas laygu yeedho waan ka xanaaqaa gaar ahaan markuu nin ila da’ ahi iigu yeedho.

Macalinka: waxad rabtaa inay caruurtaadu dhigato iskuulka. Markaa waa inaad ogaato shuruudaha u degsan iskuulkan: horta lacag ma qaadanno oo waa bilaash wax barashadu. Laakiin waxa loo baahanyahay oo qasab ah in waalidku ilmahooda nagala war hayaan. Waa inay yimaadaan markaanu u baahanno. Wixii aannu uga baahannona ay noo yeelaan.

Muxumed: Marxbiyo guddoon. Waan aqbalay shuruudahaas oo dhan

Macalinka:  intuu gacanta qabto ayuu odhanayaa( sidaas ayaa inoo ballan ah).

Muxumed: sidaas ayaa inoo ballan ah.

 

Macalinka: waayahay… asalaama calaykum.

 

Muxumed: sug. Waxan kuugu darayaa labadan wiil mid ahaan anaa dhalay ka kalena walaalkaybaa dhalay. Waana laba wiil oo fariiddo ah. isku keen xili maayaan. Weliba yarkaygu waa libaax , nin dhaaf ah.

 

 

Muuqaalka 5aad

 

Waxa isla kulmaya ardaydii, labdii cusbaa iyo afartii hore.  Waanay is baranayaan.

 

Hanad: Waar magacyadiin?

Ardaydii kale: Shib, lama hadlayaan.

Hayaan: Waar maxaa la hadli waydeen, miyeydaan waxba maqlayn?

Fu´aad: Maya, wax waanu maqlaynaa, laakiin waa inaad hadalkiina salaanta ku bilawdaan, si aanu idiinla hadallo.

Hayaan: We are very Sorry, Mr Sheekh!, Asalaama Calaykum

Ardaydii afarta ahayd: Wa calaykum wa salaam

Hayaan: Haddaba imaka mays baran karnaa Mr

Faysal: Haa, hadda waynu is baran karnaa. Wax kale idinkamaanu aamusine, macalinka ayaa noo sheegay in salaanta lagu horaysiiyo. Haddaan inoo bilaabo is barashada, aniga magacaygu waa Faysal. Quraankana waan dhameeyey. Markaa waxan rabaa inaan ku takhasuso shareecada iyo qaynuunka. Maxaa yeelay shareecada iyo qaynuunka ayaa cadaalad lagu gaadhi karaa.

Fu´aad: Aniga Magacaygu waa Fu´aad. Waxan rabaa inaan dhakhtar noqdo, si aan u caawiyo dadka dhibaataysan.

Marwaan:  Aniga magacaygu waa Marwaan, waxan rabaa inaan barto afaf badan, sida Chinese-ka oo kale, si aan diinta ugu faafiyo.

Mursal: Anigana magacaygu waa Mursal

 

Hanad: Aniga Magacaygu waa Hanad. Dugsiga waan ku cusbay oo garan maayo wax aan baran doono, laakiin waxan rabaa inaan noqdo kuwa kubbadda ciyaara.

Afartii arday: Al! Kubadaa, waar muxuu ku hadlayaa!!

Hanad: Haa, waar badawsanaa, oo kubaddu waa waxa ugu lacagta badane. Miyeydaan ogayn ba?

Hayaan:  Aniga macagaygu waa Hayaan. Waxa layga soo kexeeyey baadiye. Markaan waynaado garan maayo waxan noqon doono laakiin waxan rabaa inaan horta Quraanka dhameeyo, dabadeedna aan miyigii iskaga noqdo.

 

Marwaan: (Si lama filaan ah ayuu ugu soo dhaqaaqayaa, dhinaca Hanad isagoo hadlaya oo taabanaya Maryaha Hanad) Al, waar ninyahaw xageed ka iibsatay maryahan? Waar bahaluu fiicanaa? Waar imisaa lagaa siiyey?

Hanad: Waxba,

Marwaan: AL ! Ma waxbana

Hayaan: Labada yadaba waxba nalagama siine. Waxanu ka soo dhabinay dukaamada!!

Faysal: AL! Oo miyaad soo xadeen?

Hanad iyo hayan: Haa dee, haddaa maxay?

Faysal: waar waxan tuugada ahi maxay ahaayeen? Waar inaga keena, waxanoo kale lalama joogee! (Faysal iyo Fuáad ayaa ka yaacaya meesha).

Hanad: waar ordoo iska socda, idinba waad soo xadi lahaydeene!!

Mursal iyo Marwaan:  waxay ku soo hadhayaan Hanad iyo Hayaan iyagoo maryahooda taataabanaya oo eegeegaya. Oo wax waydiinaya.

Mursal: AL, waar yaadheheen! Oo sideee u soo xadi karteen?

Hayaan: Naw! Waar waxaas uma daahneee

Hanad: Waa la soo laalaadiyaa uune ma dhibay leedahay!!!

Marwaan: waar saaxiib annagana na tusa deee

Hayaan: Dee ina mariya imakaba!

Sidaas ayey ku saaxiibayaan Marwaan/ Mursal iyo Hanad/Hayaan. Way is raacayaan iyagoo meel u socda.

 

 

Muuqaalka 6aad

 

Markan waxa la joogaa dugsigii. Waxa soo horaynaya Faysal iyo Fu´aad, waxa u imanaya macalinka oo waydiinaya ardaydii kale.

 

Fu´aad:  maanu arag Macalin! oo shalay ayaa isugu kaayo danbaysay.

Macalinka: Cajiib! Bal cabaar ayeynu iska sugaynaa. Tanoo kale horeba umaynu arage

 

Waxa imanaya Hanad iyo Hayaan. Gaar ayey isu taagayaan. Dabadeed macalinka ayaa la hadlaya.

Macalinka: waar salaama Calaykum?

Hanad iyo Hayaan: Wa calaykum wa salaam

Macalinka: Marka aad dad u timaadaan, waa inaad salaanta ku bilawdaan.

Hayaan: haaa, (madaxa ayuu taataabanayaa) sorrya, waanu khaldanee.

Macalinka: Mursal iyo Marwaan ma aragteen?

Hanad: Maya, shalay baa noogu danbaysay

Hayaan: laakiin waxan u malaynayaa inay dukaanada iska soo marmarayaan!!!!

 

Waxa imanaya Marwan iyo Mursal oo degdegaya. Dadka ayey wada salaamayaan. Waxayna ka raalli gelinayaa habsaan kooda.

 

Macalinka: maanta waxa inagu cusub labadan arday Hanad iyo Hayaan. Markaa waxan jeclaystay inaad si gaar ah isu barataan maanta. Halkii xiisadda waxa idiin gelaya isbarashadiina. Anna waan idiin kala tegayaa.

Ardaydii. Waayey macalin

Macalinka: Asalama calaykum wa raxmatullaahi. Wuu ka tegayaa.

 

Hanad: Maayadaa isbarashoba isugu keen dhiman.!!!

 

Faysal: (wuxu u jeesanayaa Marwaan iyo Mursal) waar xageed idinku ku soo habsaanteen maanta?

Mar & Mur: Meelna

 

Mursal: Hurdaa nala tagtay labadayadaba.

 

Hayaan: Alla hayaay! Waar runta iska sheega! Dukaamadaa, isla haydeen wax ka soo xadee?

Hanad: Waar wax ma ka soo hesheen? Ahaahhah

 

Mar & Mur: way isku xishoonayaan markaa ayey meeshii ka yaacayaan ( waxa isku soo hadhaya afartii kale)

 

Faysal: Waar waa maxay dukaamadan iyo waxan aad sheegaysaan?

Hayaan: dee waxay na waydiiyeen shalay meesha aanu maryahan ka keenay. Markii aanu u sheegnay meelihii aanu kasoo dhabbinayna, waxay na yidhaahdeen na tusa, aanu aannaguna ka soo xadnee. Dabadeedna waanu tusnay.

Fu´aad: waar maydinkoon laba cashaba joogin ayaa waxbarashadoodii ka duufsateen?

Hanad: duufsasho maxaya?. Anagu maannagaa ku nidhi wax soo xada mise annagaa ku nidhi na waydiiya maryahayaga?

Hayaan: Naw! Waar idinkuba waad u baahantiine, iska qirta.

 

Faysal: Waaryaa.

             Labayoow doqonee

             Duruustoodii daayacay

             Hanna duufsaninee

             Bal docdaas isu taaga!

Hanad: Doqmayaw xunxunee

             Waxbarahadu derdertay

             Miyeydaan dad ahayn

            Dookhiinu xumaa

Fu´aad: Waar dad waanu nahoo

             Dadaalbaanu wadnaa

             Duruusbaan barannaa

             Oo Dintaan dhiganaaye

             idinku dacalkaydun tihiin?

 

Hayaan: Duruus waan dhiganaa

              Dadaalna waanu karnaa

              Dadkana waanu xadnaayoo

              Lacagbaan daldallaaye

              Taasi dantiinata miyaa

              Dookhiinu xumaa

              Dib u fiirsi dharkayga

              Dayaxaan maraynaaaye

 

Faysal: Dadka oo la xadaa

             ma ogtiin denbi weeyee

             Haddii Polis ku daayo

             Ama uu ku ildufo

             Aakhiraaba danbaysee

             Miyeydaan diinta aqoon

             Daa´inkaa ku gefteene

             Waar miyeydaan damqanayn

 

Hanad: Aakhiro waa danaheedee

            Ka durduurta aduunka

 

Fu´aad: haddaad diinta ka booddaan

             Oo dulligaas u badheedhaan

             Waa inoo mar danbeeto

 

Faysal:  Labadii doqonoow

              Haddaydaan daynin danseegga

              Oydaan ku dadaalin tacliinta¨¨

             Waa inoo mar danbeeto

 

Faysal iyo Fu´aad iyagoo gacmaha ku saydhaya ayey ka dhaqaaqayaan Hanad iyo Hayaan.

 

Hayaan: waar waxani maxay ahaayeen, Miyaanay nololba lahayn?

Hanad: Waar inaga mari, waxba garan maayaane!

 

 

 

Muuqaalka 7aad

 

Faysal iyo Fu’aad oo dugsigii yimid ayaa muuqanaya, iyagoo sheekaysanaya. Markaa waxa u imanaya macalinkii.

Macalinka: AS

F & F: WS WR WB

Macalinka: Maantana ma labadiina uunbaa??

F & F: Haa macalin

Macalinka: Cajiib. Illeen tanoo kale. Oo waa maxay waxan ay la soo bexeen dee? Bal cabbaar aynu iska sugno.

 

Faysal: Macalin malaa nimankaasi ma imanayaan.

Macalinka: Oo maxaad sidaa ku tidhi?

Faysal: Waxba macalin

Fu’aad: Macalin wax ma kuu sheegnaa?

Macalinka: Maxaad ii sheegi la haydeen?

      Fu’aad: Macalin labadan wiil ee cusubi ma fiicno

Macalinka:  Ma Hanad iyo Hayaan? oo maxaad ku tidhi?

Fu’aad: maryaha ay xidhanyihiin, waxay nagu yidhaahdeen waxanu ka soo xadnay dukaamada. Mursal iyo Marwaan-na way duufsadeen!!

Macalinka: Waar maxaad ku hadlaysaan?

Faysal: Haa macalin! Shalay markay Marwaan & Mursal habsaameen waxay ku maqnaayeen inay dukaamada wax ka soo xadaan.

Macalinka: Waar miyaad waalantihiin??

Faysal: xaqiiq weeyaan macalin

Fu’aad: Haa macalin! weliba markaanu is nidhi wax u sheega waabay nagu xanaaqeen!

Macalinka: Kuwamaa idinku xanaaqay?

Faysal: Hanad iyo Hayaan macalin

Macalinka: ma sidaasaa

Faysal: Haaa

Macalinka: Waaryaadheheen! Bal warkaas yaan cidi idinka maqlin. Ta kale dee labadiina oo keliya waxba looma dhigi karayee, fasax aynu iska kala ahaano maanta.

F & F: Waayey macaline, asalaama calaykum

 

Macalinka: (meeshii ayuu ku hadhayaa) Waar bal itixaankaas eega. Toloow maxaan yeelaa? (wuu isla hadlayaa, wuxu ku tashanayaa inuu waalid Muxumed arintan la kaashado). Dhamaad.

 

 

 

Muuqaalka 8aad

 

Muxumed: (wuxu sugayaa macalinka) waar toloow xaguu ka dhacay wadaadki, wuu ku doonayaa la yidhee? Saacaduu eegayaa.

Macalinka: (wuu imanayaa) AS CL Muxumed

Muxumed: WC WS ( ma eegayao dhinaciisa)

Macalinka: waan kaa soo raagee, iga raalli noqo Muxumed

Muxumed: Waa, waa iska caadi weeyaane.

Macalinka: Waan kula soo hadloo, gurigaan kaa waayee.

Muxumed: Maxaa jira, ma waxbaa soo kordhay

Macalinka: Mayee, wax sidaasi soomay kordhine, dee waxan rabay inaynu caruurta ka wada hadallo waxbarashadooda iyo xaalkooda kaleba.

Muxumed: Anigu… adigu saw caruurta macalin uma tihid

Macalinka: haa hii iim…… (wuu ka boobayaa hadalka)

Muxumed: maxaa jira dee.. noo sheeg dee macalin waxa jira…. Maxaad qarinaysaa

Macalinka: Maya, haa, waxba ma jiraane, caruurtu way iska sagsaag badanyigiin ma ogtahay. Markaa waxan rabay inaynu xaalkooda ka wada soconno.

Muxumed: Sagsaag, iiiim . Sagsaag badanyihiin buu yidhi. Macalin nimankan horena waan kuugu sheegay, oo waa niman iska adag. Anigaa laydhka ka bakhtiiya siday wax u akhrisanayaan. Gelina waxbay bartaan gelinna way shaqaystaan. Firaaqaba ma leh. Dharkay xidhanyihiin waad aragtay, iyagaa iibsaday ee cidina uma iibiso.

Macalinka: Imaka ma waxad leedahay nimankani waa fidh, oo wax laga wada hadlaa ma jiraan?

Muxumed: haa macalin, waa sidaas. waa la hubaa.

Macalinka: bal waayee, haday wax soo kordhaan anaa kula soo xidhiidhi.

Muxumed: Waayey macalin( Wuu iska dhaqaaqayaa?

Macalinka: ( Wuxu la yaabanyey ninkan aan hadalba ka gurin. Wuxu go’aansanayaa inuu mar labaad la kulmo, oo uu markan runta u cadeeyo? Dhamaad

 

 

 

Muuqaalka 9aad

 

Waxa la soo marinayaa Hayaan iyo Marwaan oo gacmaha ka xidhan, oo boolis wado

 

 

Muuqaalka 10aad

 

Muxumed: Waar maantan macalinkii ayaa ku doonaya ayaa la yidhi. Macalin caruur wax u dhigaa la arji jiraye, waa maxay macalinkan pooliska ahi. Isagiibaaba caruurtii iyo waalidkii isku dirayee.(wuu isla hadlayaa kelidii)

Macalinka: Asalama Calaykum

Muxumed: WC WS, Maxaa jira macalin beryahan waad yeedhis badataye.

Macalink: Adeer bal is deji oo Nebiga ku salli, malaa meelbaad ka kulushaye.

Muxumed: Wuu ku salliyayaa.

Macalinka: Labadaada wiil, Hanad iyo Hayaan aad iyo aad ayey in laga warhayo ugu baahanyihiin, sidaasaanan kuugu yeedhay.

Muxumed: Waan ka warhayaa maclin oo dugsigaba waanigaa keenay. Waa niman waxbarashada jecel oo iska adag.

Macalinka: I sug afka haygaga soo boodine………(isagoon dhamaysan ayuu faysal oo ordayaa imanayaa)

faysal: Macalin, macalin, Hayaan iyo Marwaan waa la xidhay. macalin Dukaan ayey maryo ka xadeenoo lagu qabtay!!!!

Muxumed: Waar beenaalahan yar eega! Hayaanka uu sheegayaa muxuu yahay? (Wuxu u dhaqaaqayaa xagga Faysal)

Faysal: Adeer, waa inankii aad adeerka u ahayd!!

M uxumed: Waar tag, bax , waxyahaw edebta daran lihi. bal eeg beenta uu sheegayo.

Macalinka: (wuu kala dhexgelayaa) Faysal waad mahadsantaye, orod adigu iska tag (dabadeed wuxu ku jeesanayaa Muxumed); waaryaahe, adeer i dhegayso horta bal nebiga ku salli!!!!

Muxumed:  (wuu ku salliyayaa) Horena waan ugu sallinay, imakana waan ku salliyaaye, laakiin waxan aad macalinaw waddaan maan garan.

Macalinka: marka hore , yarku run iyo been mid uu sheegayo ma ogide, ha ku dambaabin. Marka labaad waalid caruur iska dhalay oo aan sida loo tarbiyadeeyo garanayn ayaad tahay. Marka sadexaad inaad xaqiiqada ogaato ma rabtide waad is indho tiraysaa. Marka afraad-na waxan kuu sheegayaa, labadaada wiil way fogaadeen, dukaamaday xadaanbaa la yidhi. waxbarashana iskaba daa inay ku dadaalaane, anigayba iga duufsadeen labadii aan weligay ku soo tabcayey. Markaa waxan kaa rabaa inaad hadda keento xalka caruurtaada oo aynu ka wada hadallo.

 

Muxumed: Macalinoow afartaa aad i tidhi, afar ayaan kaa idhi, halna waan kuugu darayaa. Marka hore waad igu geftee waa inaad xaal i siiso. Marka labaad waa inaad soo cadayso halka aad tuugada ilmahayga ku aragtay. Marka sadexaad, adiga caruurta wax bar baa lagu yidhiye, iyagiyo waalidkood isku dir laguma odhan. Marka afraad, waxan ku leeyahay:

Hoobeey waad qabooboye

Hoobey qunyar soo soco

Hoobeey qoorta soo dhigo

 

Marka shanaad, fadhibaad iga soo kicisoo nimanbaan qaad la cunayee, waa inaad hadalka ku dhakhsato.

 

Macalinka: Muxumadoow dhegayso! Halka aad tidhi, soo caddee tuuganimada caruurtayda, adigu maygu tidhi maryaha cidi uma iibisee iyagaa iibsada. Xagay ka soo iibsadaan may sheegi kartaa? Miyey shaqeeyaan? markaad taas ka jawaabto ayaan annna cadaynta keenayaa!!

 

Muxumed: Horta wadanka shaqooyin badanbaa laga helaa. Laakiin haddii ay wax ka jiraan tuugadaas aad sheegayso, marna kaan dhalay kama suurawdo ee kan aan adeerka u ahay ayaa aabihii waxaas lagu xaman jiray oo isagaa laga yaabaa inuu wax xado.

 

Macalinka: Dhegayso adeer!  Anigu inaan kula murmo umaan iman. Waxan kuugu imid inaynu iska kaashano wax u qabashada caruurta. laakiin waxad tahay nin aan waxba marayn oo tiisu uun u caday. Markaa runtaan kuu sheegayaa dhegayso:

 

Waalid yaable baad tahay

Nin wareersan baad tahay

Warshadii dadkaad tahay

Warshad waalan baad tahay

Wax dhalooti garataye

Wax ma dhaantid duunyada

Anna kaa wareegoo

Waxa igu wallaahiya

Inaan weedha kaa xidho……. Macasalaama

 

Muxumed:  Wegereey! war baa yimid

              Bal wadaadkan daawada

      iska dhigay waxgaradkiyo,

weliyada siraatee

ani ii dardaar werin

Horta waalid baan ahay

waalid fiican baan ahay

nin waxgarad ah baan ahay

wiilashiyo hablahan dhalay

haddii ay wareegaan

wiigag iga maqnaadaan

ma waydiiyo sababaha

waayo, waayodeed dee?

Saw wanaaga kuma dhalin

Ma waxbay sameeyaan?

 

Horta yaa wadaad yahaw

Pooliiska kaa dhigay

Baadhbaadh wax kugu yidhi

Ma Burciyo Hargeysiyo

Xamar baalleheediyo

Boosaanaynu joognaa

Mise dee Baraawiyiyo

Boodhlay baa la joogaa?

 

Hadal xidhashadaadana

Yaad ku xaasidaysaa?

Aniguba xadiiskiyo

Xaqaad marinaysaabaan

Kugu soo xushmeeyee

Xurmadayda Hodan iyo

Xaaskay qasbaysee

Inaan xaafadiinba

Ka xaanaqo ma ogtahay?

 

Markaa ayuu Muxumed isagoo xanaaqsan iska dhaqaaqayaa.

Muxumed: waar caruurtaydana waan kaala bexee ina kala kexee?

 

Macalinkii oo isla hadlaya ayaa soo hadhaya. Dabadeed waxa si kedis ah u imanaya Faysal oo degdegaya.

Faysal: Macalin labadkii kalena waa la xidhay.

Macalinka: Ma Marwaan iyo Hanad?

Faysal: Haa macalin, labadii kalena waa la soo daayey, Hayaan iyo Mursal.

Macalinka:  Farxad iyo naxdinba waad  ii sheegtay. Maaragtay ninkii Fu’aad?

Faysal: maya macalin

Macalin: Bal soo raadi Fu’aad, oo aynu dhakhso u kulano, arin ayaan idinka leeyahaye.

 

 

Muuqaalka 11aad

 

Faysal Iyo Fu’aad ayaa kulmaya. Faysal ayaa u sheegaya inuu macalinku labadooda rabo inuu la kulmo.

 

Faysal: Waaba kane

Macalinka: Asalaama calaykum

F&F: wa calaykum wa salaam

Macalinka: Anigaa idin doonayey. Markii hore waxaynu u kulmi jirnay sidii macalin iyo arday. Balse maanta waxan idinku yeedhay inaynu ka wada hadallo hawl inaga dhexaysa oo aynu sidii rag siman uga wada hadallo. Waad la socotaan xaalka saaxiibadiinii kale. Waxayna u baahanyihiin soo badbaadin. Labadiina iyo aniga mooyaane, cid kale oo u maqanina ma jirto. bal markaas maxay idinla tahay?

 

Fu’aad:Macalin waxay aniga ila tahay inaynu nimankaas saaqidiinta noqday faraha ka qaaadno, iskuulkana ka erino.!

Faysal: mayee yaan sidaas looga tegin macalin. Qof waliba wuu khaldami karaaye, waa inaynu soo waanino oo shaydaanka ka soo reebno.

Macalinka: Aniguna fikradaas Faysal ayaan raacsanay. Maxaa yeelay nimankani waxay la mid yihiin sidii qof ceel ku dhacay oo kale. Markaa in ceelka lagaga tago maaha.

Fu’aad: waayey macalin adigiyo Faysal waa iga saxantihiine, anna waan ka noqday fikraddaydii hore.

Macalinka:  Haddaba waxay ila tahay; inaynu kala qaybsanno raggan oo aniguna aan labo la soo hadlo idinkuna midkiinba mid la soo hadlo.

Fu’aad: waayey macalin, anigu Hayaan ayaan soo waaninayaa

Faysal: aniguna Marwaan

Macalinka: Anigana labada kale igu daaya, Hanad iyo Mursal

Faysal: waayey macalin

Macalinka: Suga, Waxan idiin sheegayaa, nimankani waa walaaleheen oo shaydaan inaga duufsaday, markaa hadalka u fududeeya oo ha ku adkaynina, u bushaareeya oo ha didinina.

 

F &F: Waayey macalin, AC WR

 

 

 

 

Muuqaalka 12aad

 

Hanad iyo Hayaan ayaa soo baxay.

 

Hayaan: Waar xabbad sigaar ah ayaan hayaayey, iyamaynu ku bilawnaa , ma turubka mise sigaarka.

Hanad: waar sigaarkaa fiicane inoo shid. Miyaanad arag inuu aabo isaga ku bilaabo.

Hayaan:  kii lagu shidayey ma haysaa

Hanad: haaye keen aan inoo shidee (waxa sigaarkii loo dhiibayaa Hanad)

 

Waxa si lama filaan ah ugu soo baxaya waalid Muxumed oo ka il horraynaya.

Hayaan: Waar Qari qari!

Hanad: jeebka ayuu gelinayaa.

Muxumed: Waar yaa maxaad haysaan?

Hayaan: Waxba waxba adeer

Muxumed: waar waa maxay waxan aad qarinaysaan. (wuxu baadhayaa jeebabka Hanad, wuxu ka soo saarayaa baakidhkii iyo dab-shidadii, hadana wuxu ku cararayaa dhinaca Hayaan, wuxu ka soo saarayaa tururbkii). Waar waa maxay waxani?

Hayaan: waa turub

Muxumed: wuu dhirbaaxayaa Hayaan markaasuu dhulka ku dhacayaa. Hanadna wuu ku jeesanayaa oo wuu ku qaylinayaa uun isagoo leh: “waa inoo labadeena”. Yaryarkii way ka yaacayaan. Muxumed oo calaalacaya ayaa soo hadhaya. Wuxu u garaabayaa macalinkii, waxanu goosanayaa inuu la kulmo macalinka oo uu soo raalli geliyo.

 

Hayaan ayaa soo noqonaya, isagoo adeerkii raalli gelinaya.

Hayaan: adeer waaan khaldamay ee iga raalli ahaw.

Muxumed: maxaan kaaga raalli ahaadaa……..?

Hayaan: Adeer waan toobadkeenee iga raalli ahaw.

Muxumed: Ma turub iyo sigaar ayaad ku toobad keentay?

Hayaan: Adeer Hanad ayaa igu yidhi, waaka aababa sameeyee aynu samayno.

Muxumed: Bal waayee, waxaas mar danbe haw noqonin. Kaa xunee Hanadna wuu is arki doonaa…. Waar kaalay ha ku odhanin dadka Hanad ayaa i baray.

Muuqaalka 13aad

 waxa muuqanaya Fu’aad iyo Hayaan oo isku dhegdhegaya oo is ogolaansho ka muuqdo. Waxa ka daba imanaya Faysal iyo Marwaan oo iyaguna isku dhegdhegaya. Hadana waxa muuqanaya macalinka iyo labadii kale oo ka yaacaya macalinka oo gacmaha ku saydhaya. Waxa hadal ah lama maqlayo muuqaalkan oo dhan.

 

Muuqaalka 14aad

 

Waxa kulmaya macalinka iyo Faysal &Fu´aad oo iska waraysanaya dacwadii ay u bexeen iyo wixii ay ku guulsaysteen.

Macalinka: AC

F & F: wc ws

Macalinka: Haye bal warama? Ma is hesheen nimankii

Faysal: Haa macalin, aniga Marwaan waanu is helnay. Waa waaniyey. Hadalkana waan u jilciyey oo waan u bushaareeyey sidii aad ii sheegtay. Al-xamdulillah waanu iga aqbalay, waanu ka baxayaaa wixii uu ku jiray oo tacliintiisa ayuu u soo jeesanayaa.

Macalinka: Al-xamdulillaah! war lagu farxo ayaad noo sheegtee Ilaahay ha kaa farxiyo. Bal adna noo waran Fu’aad? Maxaad kala soo kulantay Hayaan?

Fu´aad: Macalin, aniguna war lagu farxo ayaan inoo hayaa. Walaalkay Hayaan waxan u tegay isagoo iskaba hanuunsan oo ka baxay wixii uu ku jiray. Anna waan sii dhiiri geliyey. Markaa wuu inoo imanayaa Insha Allaah.

Macalinka: Al-xamdulillaah. War fiican ayaad sheegteen labadiinuba. Laakiin anigu waxba idiinma hayo. Waan la kulmay labadii wiilba, Hanad iyo Mursal. Nasiib xumo waxba way iga aqbali waayeen oo waabay iga yaaceen………

Faysal: waanu ka xunnnay macalin, balse kama hadhayno.

Fu´aad: Maxaynu samaynaa macalin, miyaanu la soo hadallnaa annaguna?

Macalinka: Bal nimankaas si uun baynu ka yeeliye, aynu marka hore la wada kulano Hayaan iyo Marwaan, si aynu tacliintii dib ugu bilaabano.

F & F: Waayey macalin, asalama calaykum

Macalinka: wc ws , waa inoo berito.

 

Muuqaalka 15aad

 Waxa kulmaya macalinka, Marwaan F & F, isla markiibana waxa  u imanaya Hayaan iyo adeerkii Muxumed. Waa lays wada salaamayaa.

Macalinka: Al-xamdulillaah, kol haddii maantaba aynu wada joogno.

Marwaan: Macalin waan qaldamaye raalli iga ahaada. Kollayba wax i qaaday garan maayee, anoo bad ku jira uunbaan is arkee.

Macalinka: Ilaahay haynaga wada raalli noqdo

Hayaan: Macalin, Anigu markii horeba waan iska lunsanaa, balse hadda waan toobad keenay, oo waxan Ilaahay u ballan qaaday, adigana kuu ballan qaaday, adeerkayna u ballan qaaday inaan waxbarashadayda daacad u noqdo oo aan saaqidnimo danbe laygu arag.

Dhamaan: Al-xamdulillaah, Ilaahay hakuu rumeeyo.

Hayaan: Aaamiin, waanad mahadsantihiin.

Macalinka: Horta maanta, waa maalin farxad iyo murugoba leh. Farxad way tahay oo rag ku sigtay inay god ku dhacaan ayaa inoo soo noqday. Murugona way leedahay oo laba nin oo saaxiibadeen ahaa ayaa inaga maqan oo shaydaan inaga duufsaday. Balse iyagana ka hadhi mayno ee wayno isu wada kaashanaynaa sidii aynu u soo badbaadin lahayn. Innagana halkii ayey waxbarashadii inooga sii soconaysaa ee berito haynoo ahaato.

Dhamaan ardaydii: Waayey macalin ee SC

Macalinka: WC WS (way wada tegayaan ardaydii, waxana macalinka ku soo hadhaya Muxumed)

Muxumed: Horta macalin Ilaahay khayr ha ku siiyo, sida aad khayrka noogula dadaalayso. Waxan kaa raalli gelinayaa sidii aan kuu fahmi waayey. Wixii aad ii sheegaysay maanta ayaan garanayaa, waxanan ku dadaalayaa inaan wixii karaankay ah kula qabto. Macalin ismaan ogayne waxan ahaa nin hoosta ka gubanaya, balse hadda ayaan rabaa inaan is bakhtiiyo.

Macalinka: Waxba ma laha. Wixii hore way inaga tegeene, wixii danbe uunbaa ka hadal leh. Markaa, maantaba waad aragtaa sida xaal yahay. Caruurtaada iyo caruurta Soomaaliyeed ee kaleba waxay u baahanyihiin inaynu isu kaalmaysanno. Markaa ii ballan qaad inaad Kuwa hagaagsanna igula dadaalayso, kuwa inaga maqanna ila baadi doonayso

Muxumed: Macalin taas waan kaa ballan qaadayaa. Adiguna waanada ha naga dayn ee noo sabir. Imakana waanada waxan ku bilaabayaa yarkayga.

Macalinka: Waayee sidaas ayaa inoo ballan ah. Wasalaama calaykum

Muxumed: Macalin ii soo ducee in Ilaahay yarka ii soo hadeeyo

Macalinka: Ilaahay isaga iyo kuwa kaleba ha soo hadeeyo.

—————————–Dhammaad—————————-