Maxamed Saalax wuxu yidhi:
Mahad gaar ah Maxamed Xirsi, ma aha markii ugu horreysey een gabay
kaaga ah dul imaado. Runtii waxaan qiray in aad gabay yaqaan tahay.
malaha waad dhaxashay,malahayga dirka maanta kacay oo Qurbe
iyo luqado jaan isu daba mareen ma rumaysnayn in ay sidaa u gabyi karaan.

inkastoo aan filayey in raggu wax ku darsado,malaha forum kale ayey
ka dhacday.

Adigaan ma duulow murtida daayaacoon lumine
Deelkaad ka qaaddiyo adaa mariyey dowgeede
Deelqaafna adigaa ka jirey delidhacyeyn baase
Horaan ugu duldhacay Gabayo aad tirisay deeqow e
Da’daadana adaan kuugu xidhay duubki maansada e
Dirka soo kacyaad u noqon sida darwiishkiiye.

Dacwaddii naftaadiyo qabiil golihi loo deyrey
Doorkii fadhiyey baan ahaa madashi daahnayde
Miisaan markii aan duldhigay dooddi hadalkiina
In lagaa dul baxay baan arkaa laguna daaduunshey
Dib waxay ka noqon mooyi iyo waayo dabadeede
Doorkaan in aad lumisay oo lagu dilaan sheegay.

Maxamed Saalax
Biyo kulule, Boosaaso
suladaan@biyokulule.com