1. Gabayga 1aad

Date: Wed Mar 14, 2001 11:56 am
Subject: “Burco Boodhlay” Gabay

Salaamada sxb dhamaantiin

Beryahan danbe waxa batay soo hadal qaadka Burco iyo kaalinteeda bulsho,
taariikheed, iyo siyaasadeedba. marar badan ayaan isku idhi malaha soo hadal
qaadka Burco waa la badiyey. Markaa Habeen dhaweyd 12/03/01 ayaan 11:30 kii
habeennimo furay e-mailka ay ku soo hagaagaan warqadaha somalilandforum. Waxan
halacsaday dhawr mawduuc oo carab baabaya Burco. markaa ayaan si kedisa u idhi
: Burcuunbay ka sheekaynayaan duulkan reer bariye”. waan iska xidhay
komputerkii waxaanan u holladay seexasho, laakiin waxa hurdadii iska kay hor
taagay ereygii afkayga ka soo baxay oo ereyo kalena igu shuqeeyey. waan soo
kacay 12:00 qalin iyo buug ayaan isu soo qaaday markaasaan qoray ereyo gabay ah
oo tilmaamaya Burco oo maad iyo kaftan (run la qaboojiyey) u badan. Waana kan
gabaygii:

1. Burcuunbay ka sheekaynayaan duulkan reer bariye
2. Baxsanayda uunbay hayaan tuulo baaliyahe
3. Annagoon bankii Qoolcaday iyo Badar-wanaag sheegin
4. Ama beerihii Arabsiyiyo Bixin ka faalloonin
5. Inaad boodhlay noo faanisaan ma ay bannaanayne

6. Naga badise balawaasid iyo buuq aan damahayne
7. Inay meel barwaaqaysantoo eebbe barakeeyey
8. Oo bilicsanbaa uga dhigteen ruuxaan soo barane
9. Meel boqorro iyo ay degaan madax la buulbuulay
10. Oo laysku booqday dadkii badh u malayeen
11. Haddaanaan bir idin joojisiyo dhagax idiin beegin
12. Bariis baa ka baxa baydun odhan bananka waaweyne
13. Bad ayaanu leenniyo kalluun baahay baa xigiye
14. Bisinkee waxaad soo waddaan sheeko yaab badane
15. Bal intaanu baanaha jin iyo faanku tiro beelin
16. Si basara anoon been ku darin maan Burcadan qeexo?
17. Boogteeda iyo maan qodqodo waxay ku baw dheertay?

18. Waa meel bannaan oon lahayn kaymo loo bogaye
19. Waa meel bus iyo siiga loo lagu basaasaaye
20. Biyeheedu marar bay harraad kuguba beeraane
21. Waa meel baadiye ah oon haddana daaq ka soo bixine
22. Waa meel buuro muuneeya iyo loo ogayn bilice
23. Waa meel dadkaba aad ka baqan bilista mooyaane
24. Waa meel budh iyo toorri weyn badi la haystaaye
25. Waa meel baanisada ay taqaan waan birayn tahay
26. Nabadbaa badhaadha leh haddaan been la xiganayne
27. Waa meel dawlad baabiin kartoon soo binayn karine
28. Waa meesha beladii kacdaba laga bilaabaaye
29. Berberiyo Hargeysaba dabkii lagu besbeelsiiyey
30. Halkii laga belbeliyey ahayd boodhlaydaas xumiye
31. Waa meel, beel u kala qaybsanoo reerba baal dego4e
32. Waa meel haddaad booqatana “Baalcad” kaa dhigiye
33. Bariidada waxaa ugu hoorrayn sheeg bahdaad tahaye
34. Waa meel boqol waxoon qarinayiyo gocasho buuxdaaye
35. Maxaa layga buunbuuniyaa waaban badiyaaye

36. Gabaygaas ha lay baahiyee reer Burco u dhoofsha
37. Barigiyo galbeedkeeda iyo “faras ka bood” geeya
38. Kollay waa dad maansada bartoo way u bogayaane
39. Baarsiigo iyo sayladdii sax ugu baandheeya
40. Dabeetana jawaabtay baxshaan iigu qora buugga

AH ah ah aha anigiibaa isla qoslay

Maxamed Xirsi Guuleed

3. Gabayga 3aad

Date: Sun Mar 18, 2001 8:11 am
Subject: RE: “Burco Boodhlay” Gabay

Salaamu caleykum dhammaan
Waxa wax aad loo xiiseeyo ah suugaanta hufan ee aan turxaanta
lahayn, hase
yeeshee waxad mooddaa in tixaha halkan lagu soo bandhigay, ay si u
kiciyeen
xasaasiyad aan loo baahnayn Markaasaan afartan codsiga ah iska
malmalluuqay

Gurmad baan ahee maxamadow gabay ma sii deynne
Waxa gogosha iga soo kacshee affaray iigeeyey
Nimanbaa garnayl soo dhex-dhigay guri agoomeede
Guuxeedi iyo reenkiibaa noo gigilay toose
Gobol waana aan soo bandhigi waa intoy garanne
Gees kale ka eegaan ku odhan gacaleyaashaase
Goolaaftankiinani madhoqo golahan waayeele
Niman yohow geddaafaha dhigee gubay ardaagiiba
Gacal iyo tol weeyaan waxaad kala guraysaane
anigoon aqoon lagu gamiyo gacan walaal muujin
Oo aan gergaar iyo wax qabad gacal ku sooryeeynin
Oon geeddigaa loo ballamay meel ka geli waayo
Ama geesiyaashii u baxay gudin abaalkooda
Inan gabay sokeeye u tirshaa waa garaad xumo e
Goondhabo walaalkiin ka kora oo guddiya xaajo
Garab gala kuwaa hawsha qaran goor walba u taagan
Ama geliya buuq reerahaa geedka edeg yaalla.
Ka baxay
Ali Adam

5.Gabayga 5aad

Date: Mon Mar 19, 2001 3:49 pm
Subject: Re: “Burco Boodhlay” Gabay

Salaamada dhammaantiin
Waxan jeclaystay inaan soo gunaanado tixdii yarayd ee iga soo baxday ee ragga
qaar ka cadhaysiisay. Waan ka xumay inaan dhasriyey hawlihii muhiimka ahaa ee
golaha hor yaalay. Waan u cudur daaranayaa walaalah u arkay gabay deelqaaf ah
oon meeshiisii joogin. Markii aan soo gelinayey waxay iga ahayd kaftan iyo maad
ahaan oo keliya. laakiin Maca-alasaf rag baa u qaatay dagaal run ah. Waan isku
xishooday markaan arkay rag badan oo wacdi iyo abhin soo jeediyey. Laakiin
waxan weli u arkaa inaan tiriyey gabay kaftan ah oo aan wax xumaana iyo nacayb
toona ka danbayn. Aniga qudhaydu inaan reer burco ku biiro ayaa laga yaabaa kol
haddaan dhul ka gadday dhawaan halkaas. Ragga qaar ayaa i weydiiyey inaan Burco
arkay weligay. jawaabtu waa saddex jeer ayaan midba laba habeen u hoyday.
Xasuuso badan oo inaan dib u janto qaar kood igu dhaliyeenna waan kala soo
noqday. kuwa aan gabayga ku sheegayna intooda badan waan kala soo kulmay.
laakiin wanaagyadeeda lama barbar dhigi karo dhawrka dhaliil!
ood ee aan xusay. Waxay ahayd i
Walaalkay Cabdi Xasan wuxuu si kalsooni leh cuskaday inaan tiriyey gabay-dheeg
laakiin Cabdiyoow sidaas maaha!!.
Hadal iyo dhammaan, raalli ahaada intii uu kaftanku la qalloocdayeey. Waxanan
go aansaday inaan gabaygaygii iga khasaaray u baroor dhiiqo. Waxan idhi
19/03/01:

1. Murti beer darrawdaaay adaan kuu baroor ahaye
2. Adoon baaqan kulamaan jeclayn baylah iyo ceebe
3. Ban cidla ah ayaad iga gashiyo meel barbaar darane
4. Barashaa i seegtaye malaha kuma bulqaaseene

5. Bi´i waayey iga khasaar baydkii maansaduye
6. Iga baylah gabaygaan lahaa way u bogayaane
7. Baxsanaw Gamuutiyi Salaan, baxarigii Yawle
8. Buushaa gadaal maray ragii biixida ahaaye
9. Dhulkii baarqabada loo ogaa biiqaq baw kacaye
10. Haddaan Booramiyo geyn lahaa Aw-barriyo Saylac
11. Ama reer Bullaaliyo Dannood belo ma moodeene
12. Igumay bilaabeen dagaal boohin iyo cayye
13. Badraan iguma sheegeen anoo baan hor joogsadaye
14. Sidaan baydkii eebbahay dab sudhay iguma boodeene
15. Biir baad cabtaa iyo af xumo ilama beegteene
16. Murti badhaxla bashaal kaftana hadal bilaa qoona
17. Marka uu xigaal baahiyee la isku baal baalo
18. Ayuu badawgu moodaa colaad buuni loo tumaye
19. Maxaan biiyey ee reer Burcoow laygu wada buuqay?

20. Baqaa ka hadliyee wuxu na yidhi beri nin maahmaahay
21. Bahalbaan ku moodaye, burbaad noqotay geedyoowe
22. Waxse aan bartaas uuga hadhay Bixidda fiidkiiye
23. Aniguna intaan lay bukayn hadal bikh weeyaane
24. Oo aan budhweyn layla dhicin waan ka baxayaaye
25. Badbaada Alla waxa ii haboon baabkan oon xidho eh

Salaamad
Maxamed Xirsi

2. Gabayga 2aad (Jawaab)

Date: Sat Mar 17, 2001 11:41 am
Subject: Re: “Burco Boodhlay” Gabay

Salaamu Calaykum Dhammaan.

Waar maxaa ninka looga aamusay!!!

Waan ka xumahay inaan ka hadlo wax ka baxsan topic-yada qiimaha leh ee
golaha is galaa baxaya. Laakiin ogow madal waliba waxay leedahay Hormuud iyo
Hadhaa oo waa kii Hadrwaawi lahaa
Horuu orod Faarax
Horweynka jiciirtay
Hadhaaga u jooji
Bal maanta intaan hadhaaga ku biiro maan mar kale idinku sooro
Maanso-ku-sheegaygii laaxinku ka buuxay.
Waxan filayey in jabaabiirta maansa-ruugga ah ee golaha ka buuxdaa wax
odhanayso ninka Bashiir ee ku gardarrooday Burco. Ma ahan nin loo jawaabo
waayo
1. waa arrin ka baxsan ujeedada golaha loo abuuray
2. Waa cay aan laga jawaabi karin waayo waxay kugu kelifi kartaa inaad
dalkaagii badh caydo.
Cayi waa Calyo’e bal an laba eray oo Ku-sii-sug ah idhaahdo bashiir oo aan
ku ammaanayo siduu dumarka reer Burco uga reebay qaniinyadiisa tabarta
daran.

Waxan idhi

Bismillaahi gabay waa intoo lagu bilaabaaye
Ba’naantiyo xumaatana waa inaad beri ka yeeshaaye
Haddaan pointku kuu muuqan waa laga bariistaaye

Anna maanso waataan bennedey beretenkeediiye
Naf waliba waxay biirsataa lagu bariiyaaye
Ballankii Ilaahay qof jaray naarta loo badiye

ilaahay janada haw ballaqo baabkay dontaba’e
Sidii boqoraddii loo bud dhigay wayska baal maraye
Haddii anan baroor diiq ku jirin kama boqooleene
Baxnaanada waxaan dhawr lahaa biliyo dheeraade

Caanuhu hadday badhax noqdaan waa wax kaa ba’aye
Basar waxan lahayniba ileen waa bili xumaadaane
Ruuxii basaas qaba inuu baano ma ahayne

Darbaan maanso inay baahiyaan uba bannaanayne
Buunshaha raggii cuni jiraa noo buraanburaye
Weligeyba waan baacsan jirey baarka wiil fidhaye
Hadduu adiga buur kula ahaa niniyo baabkiiye

Waxa baradan loo soo cayimay wayska baal mari’e
waatii dedaal loo ballamay laysna beegsadaye
Waatii badbaada dalkii buunka loo tumaye
bar-tilmaanku waatuu ahaa yaan la baylihine
Wacadkii inaad badhi-furta kuguma beegnayne

Nin waliba bartuu saanyaduu bilic ku sheegaaye
Burco’se waxa Ilaahay ka dhigay barasankeenniiye
Berbera iyo Hargeisay u tahay biixiyaa kaba’e

Beerkiyo wadnahay nooga taal bilicsamaanleeye
Biyaheeda ruuxii cabbaa baahiday tiriye
Goortii abaar baahdo ee beledku qiiqaabo
Burcadka iyo subaggaa abtow la isku baantaaye

Dalkuba waa bandoow haddaanaan bixinnin xoolaaye
Wanka badhida weynliyo lo’doo baraha roobaada
Waxa badaha loo dhoofiyaa Bogiyo Heemaale

Baansiinka jiifaan dhawaan kala baxaynaaye
Qayraadka buuxaa ka weyn buurahoo kale’e
Wax busaarad ay noo jirtaa boqol kunoo mayle

Waa meel an ruuxii bartaa kuba bukoonayne
Boqollaal kunoo ruux ayay tahay bustaankoode
Barbaartii Xabuushaa degtiyo baha Magaadleeye
Beydkii Makaa lagu maslaa barakadeediiye

Ruux baaban mooyee ma naco meel ballaysinahe
Badda Eyl Bareeda iyo Qaw taniyo Boosaaso
Baydhabo bacaadkii markiyo beladadii xaawo

Benderkii kismaayod ilaa taniyo baardheere
Anigana baloodhkaa burcaa iiga khayr badane
Budhka waxan u sidannaana waa Baase ruux wada’e
Ruuxii badraanaan madaxa uga bukeynaaye

Bushimaha warkii aad ka tidhi iyo baadilkiyo qooqa
baalidu bah kale waa taqaan belo ka sheegeede
Inayse teeda ay baylah tahay bedenku siin waaye
Kugumay bannaanayn inaad beentan fidisaaye
Booxaalligaagaan ka garan biiq inaad tahaye

Kolka beeshu ay nabad tahaad nagu belowdaane
Banka lama fogaataane waad bara habowdaane

Anigoon dalkiinana bayimin belana sheegsheegin
Biiroo inaad soo cabtiyo inad Baraarowdey
Labadaa midkood ii bayimi waa ballamaynaaye

Siciid Cabdull

5. Gabayga 4aad

Date: Sun Mar 18, 2001 9:47 am
Subject: Bulsho( Maanso cusub)

Ducoqabe:

Maansadan bulsho waxay soo baxday 16 Maarso 2001 waxaanay jawaab utahay
maansadii Burco boodhwayn ee uu tiriyey mudane Bashiir Hirsi Guuleed.
Inkastoo aan markii hore dhowr jeer ka tashaday inaan ka aamusnaado
sababtoo ah maaha wax laga jawaabo arrimaha soo socda awgeed:

1. Marka ugu horraysa waa gabay dheeg waxaana sidaan u arko Bashiir
kasoo dheegtay maansadii Mohamed Nuur Fadal gaar ahaana baytka lixaad
ee maansada bashiir waxaa uu yidhi: naga badi balawaynta iyo buuq aan
dhamaanayne. Waxaan u arkaa inuu Bashiir kasoo dheegtay :
“naga badi isaaq beenta iyo baalixooftada e,
waxaa seh biligu naga taagan yahay maalintii balo’eh”.

2. Bashiir waxaa uu golaha keenay arrin aan golaheena caado u ahayn,
waayo? Forumku wuxuu arrimaha waddanka ka eegaa dhinaca toganaha ah(
positive side), mana siiyaan dareen badan waxyaabaha tabanaha ah
(negative side) marka laga reebo arrin markaas taagan oo toosin u baahan
sida sixidda maamulka iyo hogaanka dalka. Markaas Bashiir waxaa uu
jebiyey caadadii forumka oo uu gabay balaqsaawir dhulka la dhacay meelo
dalka kamid ah.

3. Bashiir waxaa kaloo ku xadgudbay hab dhaqanka suugaanta, taas oo ay
suugaanta ka xaaransantahay inaan loo isticmaalo si khaldan sida iyadoo
lagu caayo qof, ama koox ah, beel ama degaan. Waxaanan ognahay in
markaan u noqono dhinaca gabayada laga guulaysto had iyo jeer qofka
caytama. Cayduna ay ka reeban tahay suugaanta. Somaliduna waxay ku maah
maadaa AF CAYTAMAY NINKIIBUU KU YAAL Waxaanan odhan karaa Bashiir xeer
suugaaneedkaana wuu jabiyey. Markalena waxaa la yidhi: NIN WAYNOO HADAL
KA DHACAY WAA GEED QOLOFI KA DHACDAY.

4. Waxaan ku jirnaa hadaan Somaliland nahay wakhti adagoo hujuum lagu
hayo hasheenii maandeeq loona baahan yahay inaan ka shaqayno sidii aan u
ahaan lahayn kuwo midaysan si aan uga hortagno dhibaatada iyo maleega
loo gaysanayo dalkeena. Sidaan ku arkay Bashiir maansadan iyo maansadii
hore ee uu tiriyey ee shiinlayda ahayd waxaa uu isagu xiiseeyaa
xurgufaha jira iyo arrimaha daakhilga ah isagoo markaas mar walba isku
dayadaya inuu qaab suugaaneed ku sheego boogaha jira oo aanay noqonayn
mid dadka isusoo dhawaysa ee noqota mid wax sii kala fogaynaysa.

Walaalkeen Kaysar oo arrintaas ka hadlaya wuxuu ku tilmaamay tixan la
waysdaarsanayo kuwo lamid ah tixii guba. Waxaanan u arkaa in maansadan
Burco boodhwayn aanay ka dhicin tixdii Cali dhuuxee ka bilaabsay.
DOQONKII OGAADEEN DOOLLO LAGA QAAD——) Waxaanan ka codsanayaa
walaalkay Bashiir inaanu u noqon arrimahaas. Suugaantiisa iyo waayo
aragnimadiisana ardaaga uga faa’ideeyo dhinaca toganaha ah ee dantu ugu
jirto dalkeena iyo dadkeenaba.

5. Ugu danbayna Waxaanan leeyahay Bashiirow ha noqon doqontii la
yidhiye “il bay leedahoo ishaasna cidda xigay ku eegtaa”. Waxaa kaloo uu
ninkii hasha igadhka soo godlay ee intay meesha yaree daloosha ka
ursatay dhaqaaqday wuxuu yidhi: ” AFARTABA ALLA GOO, MAQAARKANA HALKA
DALOOSHAY URSATAA.”
Waxaan kaloo odhan lahaa Bashiir wax walba run moodaa dadka u liitaa la
yidhiye, dacaayadahan iyo kaftanka aan turxaanta lahayn ee udhaxeeya
magaaloyinka Maandeeq haw qaadan si serious ah waayo wuxuu yidhi Farah
Nuur:

“Namiimiyuhu warkuu sheegayaa
nacas run moodaaye anna nadartu
wixii aan arkaan nacam idhaahdaaye”.

Hadraawi dhimashadii Lixle:-

Saqda dhexe dhawaaqii
dhiiladii haweenkiyo
dhalantiyo duqaydii lagu
aasay dhoobada.qayladii
dhalaankiyo ma ilaawin
dhagartii mana dhaafin
godobtii mana dhigin hubkii weli.

Mohamed Ibrahim Warsame:

Waxaan daanka soo marin dalqadaaba celisee
wax dareenku igu jiro ninkii dardaryow taas
dameero loo sheeg, dirxi iima dhuuntee midho
daray nin jecelo ku liq adiguba duuduub.

Mohamed HaashiGaariye:

Nin dawee la leeyahay dembi uu badi leeyahay
Xalka doon la leelayahay, isaguu u daranyoo
Inuu daaro ma oggola daaraanta milalka leh

Maxaan hordhaca ku horraadin
horta maaban heesta kugu horo.

Wuxuu yidhi:
————————————————————————

Bimillahi waa badhaadhiyo
barakadii rasuulkee
wixii lagu bilaabana
waa lagu bad baadaa
Bashiirow barqadii shalaan
helay balwadaadiiye
baabuurta baladka gooshtiyo
badhi walahaa sidaye
haddaan Burciyo ka sheekeeyey
bandarii kale Maandeeq
barbaartana siiyey barashiyo
bushaaradii baladkooda

Ma baalmarine bulshadaan
rabaa inaan u baahshaaye
ubiniixiyo barwaaqadiyo
badhaadhaha baladkooda yaale
adba bannaanadaan baraarka
ku celin jirtaad buun buuninaysaaye
malaa Burcaad booqasho
ku gaadh tidhiyoo balaaneet
kale jinku kuu baqoolshuu
Burco kuugu sheege

Burco waxay ku leedahay
barashaday adaan qabin
baxsanow hay nicin
aan baran barbaartiyo
bulshadaydu waxay tahay
booqasho iigu kaloo
ha baraqnuglaanine
beer jileec ma fiicnee
warka beenawaaska dhaafoo
haka baqan bilaawahiyo
budhkanay sitaane, Bari
iyo Burcaba bandarkaagii
weeyaan badhtankeeda
kaaloo bustahaaga dhigo
oo beryana ku noolow

hadday boodhwayn tahay Burco
Waa bandarkii labaade Maandeeq
Boodhkaad ku caydaan ka bishaa
baladkan Yurubaan ku noolee
Buska iyo siigadu waa waxay
bulshadeena kaga bilanyiine
waa waxa bilistoodana
ay dadka uga bidhaamaan

Boodhkeedu dux weeyaan
siigadadeena waa barakoo
baraarkaa ku naaxoo, waa
daawo rabbi noogu deeqaan
kaga bogsano cuduradoo
ka udgoon saxansaxada roobkee
Boqornimadu waa hibo baarigu
bixiyaa, baladwaliba boqor
buu leeyoo laga bidhaanshaa

Arooribaan boga ku
foofshaa baarqabku
ku doobyaa gaawo
xoorleh ku malaa
kalluun bad ku jiriyo
binni uma ogi bariise
kala saar Bashiirow
bad iyo bannaanoo
Burciyo bariba barashaa
kuugu dhimane
banaanadiyo bandarada
Maandeeq bilicdooda
mooyee inaan been ka sheegoo
barobagaande ka fidiyoo
boogahooda tiriyoo
waan ka bilanee
bi’iwaaye Bashiirow
bandarka xaal mari

Budhkiyo toorayda dhaqan
baan uleeyoo bilaawaan
baalaha ku qaataa
budhbaan midigta ku haystaa
bidixdaan ka laafyoodaa
uma sito baarcadda Bani”adamee
Cuudkaan ku raacaa
Bahalaha iyo weerahaan
ku baacsadaa, been
hadaanan sheegayn awoowgaa
Geelaa sidan jiray bilaawoo
kaaga celin jiray bulcaddee

Burco waa degel nabadoo aanay
gubin balo laga soo baceeyey
bandaraadiyo banaanadaad
balwadaada ku sheegtee
beelnimadu waa wuxuu
ku badhaadhay baladkeenu
abiyo isirba basarkaad
kusoo babaartay weeyaan

Bashiirow haddaad baladkale
Kunooshoo baasboor ajanabi
kuugu jiro boorsada muran
waxaanu ku jirin bannaanadaad
ka timid beelo inay ka taliyaan
haybsigiyo bahnimadu waa
nidaamkaan bulshooyinka
kale ku dhaafnee

Burciyo Boocane, Berberiyo
Badhan, Booramiyo
Bandarkii Hargeysaba waxay
kuugu baaqayaan bari
aan fogayn booqasho
inaad ku gaadhaa, busaarada
Kaa bidhaamaysiyo
basaastaa kaagasoo bi”i.

adoon gabay yaqaan noqon
waxaad baradii maansadee
Burco ugu maagtaay geeraar
bixiso weeyaan, ha bidhaansan
Burciyo bari yaan bulayga lagugu
tuurinoo indhaha laydhi kaa marine.

Macasalaama,
Abdi Abdillahi Hassan, Holland

6. Gabayga 6aad

Date: Tue Mar 20, 2001 8:49 am
Subject: Re: “Burco Boodhlay” Gabay

Waad salaamantihiin akhyaarta golahaay.
Waxaan waxyar ka odhanayaa gabayadii beryahan socday,anigoo aad uga hela
gabayada iyo suugaanta hadana tani waxay ila noqotay yaab waayo geeri baa
ina haysay oo ALA HAU NAXARIISTEE AAMINAA DHIMATAY.
Waxaanse layaabaa waxa REER HARGAYSA burco ficiltamaan,waxaa la rabaa in
hargaysa la barbar dhigo caasimadaa aduunka ee maaha in la yidhaahdo burco
waxaas malaha oo hargaysaa leh, waa waxaanu anagu qaadhaan kiisa dhiibno.
Hadaba waxaan leeyahay tixdan gaaban ee aan Bashiir rabo inuu bal dib ugu
noqdo taariikhdii gabayada cidii gabyi jirtay iyo wuxuu gabaygu ku haboonaa.
Waxaan idhi.
Ba`da gabay bashiiroow ma tirin beri samaadkaaye
anigoo barbaaraan ka hadhay ba iyo wowgeede
benderkaan ku koray iyo reer burcay tahay bariiskoode
bakhaaraan ku kaydshaa ileen way burqanaysaaye
berberaan ka dhoofsaa tan iyo boonta yurubeede
iyadoo bucshiraday misana boyntu dhigaysaa
buuhoodle,caynabiyo sheekh bilanoow oodwayne
buuraha saraar iyo badwayn bananka ceeldheere
balidhiig yo beer iyo bisiqa baaburaa dhiga
beledkaa togdheer bay u tahay baadka soobaxae
alaylee inaad buurjaftaan kuu bandhigayaaye
bartaankaa filiyo ileen meeshaad uga booday
alaylee bashiiroow ileen hadalku kaa baydhye
barwaaqiyo israac baanlahaa beledka gaadhsiiye
badarkiyo ana waxaan lahaa beerta la xagaafe
qaalmo baarcad iyo waxaanlahaa buushahaw qubae
boodhkaad sheegtay iyo waxaan lahaa beebab hoosmariye
bada waxa dhex jiifaan lahaa yaan la baylihine
badroolka iyo sibidhkaan lahaa maan lasoo boxoe
marsadaa berbera iyo waxaan lahaa saylac bino saare
alaylehe bartaan kaa filiyo meeshaad uga booday
alaylahe bashiiroow ilayn hadalkii kaa baydhye.

waqtigoo igu yar ma jecli inaan hadalka sii badiyo waxaan u malaynayaa nin
yidhina ma wada odhan nin ya reeyeyna waxba kama tegin.
waa Jama Hirad Yusuf
Minneapolis,Mn