Shukriyeey

Gabaygan waxa tiriyey Maxame xirsi Guuleed 1993. Waxanu u tiriyey Walaashii Shukri Xirsi guuleed oo inan yar ahayd markaa. Wuxu yidhi:-

1. Shucarada aduunyadu markay gabay ku sheemayso
2. Ninba wuxu shitaa meesha uu shiishku qaabiliye
3. Markaasuu nin shuhub naara iyo shalaw ka dheefaaye
4. Ninna shirar ayaa laga xusaa shaygii u yidhiye
5. Aniguna tixdaan shiilay een shiinka ka asteeyay
6. Shukriyeey adaan kuugu qoray sheeko yaab badane
7. Shakhsigaan garaad iyo lahayn dhago shaqaynaaya
8. Waxba lalama shawree afkaa laga shiraaqdaaye
9. Shucuurtayda gaarka ah haddaan adiga kuu sheego
10. Shifo inaad ku raacdiyo inaad shuux ka garan weydo
11. Waa sheeko loo wada fadhiyi sheenkan dabadiiye
12. Wixii sharaf haween uu lahaa tan iyo sheekh yuusuf
13. Ee shaabadaa geeskan dega shaacir ku amaanay
14. Inay adi shuhuur kugu noqdaan waa midhkay shidaye
15. Inan shaadir jiidaysa oo shaambis soconaysa
16. Oo shiishku waa ceeb ninkii kaa shisheeya ahe
17. Aan shaaricaasoo camiran dayeynin sheedeeda
18. Iyo inan intay shucara iyo soo akhriday shuura
19. Sheekhii la amakaagsanyahay shubid wanaageeda
20. Shinbirihina wada joogsadeen shaqalka luuqdeeda
21. Iyo inan shaqada qoyska iyo shuqulka baydkooda
22. Shukri waalidkeedii u naqay sheegay gacalkeedna
23. Oo shaahid jaarkii noqdeen sharafi waa taase
24. Iyo inan intuu shaab la fili sheedda ka ilaaqday
25. Arooskeedii loo soo sharraxay shacabka guudkiisa
26. Oon soo shamiray aniga iyo sheekhyo lagu dhaatay
27. Oo kala shakigu wuu xunyee xididki sheekaystay
28. Oo ducada sheekhii sidii shicir u sii daayey
29. Shicibkiina aamiinta guray sharafi waa taase
30. Shukriyeey shantaasuu xishood shaamil ku ahaaday
31. Shaahidkooda daayoo haddii sheeko lagu keeno
32. Inaad shaabahdaabaa jantaa shaani iyo muuqe
33. Shamso soo baxdaa siday xidigo uga shucaac weyntay
34. Adna inaad filkaa shiikhisaa ila shishlaan layde
35. Shukriyeey shil kuma taabto iyo shalaw cadaabeede
36. Shax laguu xarriiqiyo adaa talo ka shaan weyne
37. Sharrax uuma baahnide anaa gudan shucuurtaye
38. Waalidkaa shar lama kaydsadee shaafi danahooda
39. Abidkaana goor shaacu dumay shaarac ha istaagin
40. Shoob iyo makhaayado ha noqon inan ka sheekaysa
41. Naftaadana shakaal li,i ka dhawr laga shallay taase
42. Shabbad roon haddaad noqoto oo shil alle kaa baajo
43. Way ku ag shirbeeyaan guryaha sheeko doonnaduye
44. Yaan barbaartu shuqul caasiyo warar xun kaa sheegin
45. Hadalkana ka shaandhee wixii sharafta wiiqaaya
46. Shanta erey halkii qaadan layd shaaca haw duminin
47. Shirra looma wada uunsiyoo waa shiddiyo ceebe
48. Dadka laba u sheekee haddaad talo ka shawrayso
49. Ragna waa shanteennaa farood waana kala shaye
50. Shaadhkiisa iyo hawgu xilan shilimo uu haysto

————-Maxamed Xirsi 1993——————————–