Asalaama Calaykum, yaan sahaalo la moodin. Waxa tiriyey: Maxamed Xirsi Guuleed.
Waxa ay maansadani ku jirtay riwaayadii; “Wax badso wax beel bay leedahay” ee uu alifay Maxamed Xirsi. Isla maansadan ayey riwaayadu ku furmaysaa. Isu daran diiriyaya shan jile.
———-P.1————–
Dadka saaladan joogow
Intiina soo socotaysiyo
kuwa sooryada maanta
isa saaray xilkeedaw
saqiiraw ubadkiiniyo
sayncadaadi gaboobiyo
salaasiin ku joogaw
sida aa u dhantiinba
waad salaamantihiine
assalaama calaykum
asalaama claykum
Waa salaanta Islaamkee
Sumadeeda u gaarey
Salaamaa kale dheertay
Haddii aan yar sifeeyo:
Sarreeyaw Alleheenna
Subxaanaw nasahnaaye
Magaciisa salaanbaa
Laga dheegtay sarteedoo
Waa cibaado sawaabloo
Ku sibaaqan ammaane
Yaan sahaalo la moodin
Asalama calaykum
Waa salaanta Isaamkee
saddexdeeda xubnood
Sadarkeed qof dhameeyey
Ajarkii soddon weeyoo
Isagaa u sed weyne.
Yaan sahaalo la moodin
Asalaama calaykum
Waa salaanta islaamkee
Hadduu ruux soconaayo
Isagaa xil la saaray
Inuu kii sarajaaga
Iyo kaan sara joogin
Iyo kii kursi saaran
Ku bilaabo salaantee
Yaan la seegin nadaamka
Asalaama calaykum
Waa salaanta islaamkoo
Xumahay salabayne
Afka sawd laga sheego
Asalaama Calaykum, yaan sahaalo la moodin. Waxa tiriyey: Maxamed Xirsi Guuleed.
Waxa ay maansadani ku jirtay riwaayadii; “Wax badso wax beel bay leedahay” ee uu alifay Maxamed Xirsi. Isla maansadan ayey riwaayadu ku furmaysaa. Isu daran diiriyaya shan jile.
———-P.2————
Waxa saacida heedhe
Gacmohoo sacabkooda
Si nool laysugu dhiibo
Ha yeeshee waxa suuban
Si aan loo garanwaayin
Midh inaan yara saafo:
Salaantii qof haweenoo
Geyaankeedu sugnaaday oon sawjadaada ahayni
Waxa ay ku sugnaan
Gacantood kor u saydhiyo
Sawdkaagood maqashiise
Sunnihii nebigeena
Waxba yaan la saluugin
Assalaama calaykum
waa salaanta Islaamkoo
qofna khayr kuma seegee
socodkii ka yimaadiyo
safar kii u kacaayiyo
kaa sagootiyeysaaniyo
saani kaw kulantaanba
U su´aala Ilaahay:
in sibbaaq nabadeed
iyo samaan naxariisa
iyo siyaadiyo khayr
sahaydii laga yeelo
Sida suurad quraana
si cad loogu tilmaamay
Ruux hadduu ku salaamo
waa inaad u salaanto
si ka fiican sidiisa
ama sawd celintaadu
la sinnaato midhkiisa
Asalaama calaykums
Waa salaanta islaamkoo
Waa sunnii nebigeena
Waa xaq layna dul saaray
Waa sed aan kugu leeyay
Waa sed aad igu leeday
Labadii isa seegta
Waxa saamax mutaystay
Kii salaanta bilaaba
Nin samyeey ma liito
Asalaama Calaykum, yaan sahaalo la moodin. Waxa tiriyey: Maxamed Xirsi Guuleed.
Waxa ay maansadani ku jirtay riwaayadii; “Wax badso wax beel bay leedahay” ee uu alifay Maxamed Xirsi. Isla maansadan ayey riwaayadu ku furmaysaa. Isu daran diiriyaya shan jile.
———–P.3————
Ninka seegay ayaa xun
asalaama calaykum
waa salaanta Islaamkee ”Sayidaw nebigeeni
beribuu saf asxaaba
uugu dhaartay si diirran
suubanay jannadii
inaan loo safanaynin
haddii aanay saxnaanin
Saatir aaminidiisu
taasoo aan sugmahaynin
jeeroo uu sedrigiinu
isu saafi ahaadoo
Isjacayl idin saaqo.
Su´aalbaanu u raacshay
Ma rabtaan sifadiisa
Wax hadii la smeeyo
Saani laysu jeclaado?.
Saxaabii nebigeenu
Iyagoo sugi waayey
Ayey sawd ku cesheen
Kaba saar ma rabtaane
Noo sifee nabiyaw!!
Isna waabu sargooyoo
Wuxu uugu sukuumay
”isku baahsha salaanta”
anna waan sugayaayoo
sunnahaan falayaaye
”assalaama calaykum”
Dhamaad
—Maxamed Xirsi 2000–