Qabyaaladda: Bal maxaa ikaa daba dhigay?

Gabaygan waxa la tiriyey 19-02-03. Waxa tiriyey Maxamed Xirsi Guuleed. Gabaygani wuxu ka tarjumayaa dareen dhaba iyo duruuf jirta. Waa gar-naqsi aniga iyo qabyaalada na dhextaal. Waana dacwad u furan garsooreyaasheeda iyo qareemadeedaba. Ku xisaabtan labada is haystaa inay labaduba qareemo u baahanyihiin.

———————————————19-02-2003——————————

——————————Qabyaalad———————————

————————————Maxamed Xirsi——————————————–

————-Wuxu yidhi:————

1. Dacwad shalay naftaydiyo qabiil; gole naloo deyrey
2. Diihaal colaadiyo guhaad; dood na kala gaadhay
3. Darandoorigii hadalladee; layska daba qaatay
4. Dadoow waxan idiin sheegayaa; dalab dhaceediiye
5. Bal daliilka fura kaayagii; dawga laga yeeshay

6. Qabyaaladi dacweysane; anoo dood u celinaaya
7. Waxan idhi: Ilaahay dartii; waan ku diidanaye
8. Diirkiyo waxaan kaa nebcahay; duubka oogada e
9. Damiirkaygu kuma qaadi karo; reero dumiyaayey
10. Adna sidaad dirayskayga taad; ii dul socotaaye!!!!!!!
11. Bal maxaa ikaa daba dhigeed; iiga degi wayday?

12. Daldaloollo badaneey; adoon dhaxan daboolaynin
13. Dugsi iyo gabaadbaan hadana; kaa dayaa abide

14. Dagaalkaaga kama soo hadhgalo; diif kastoon qabo´e
15. Dabka iyo rasaastana anaa; kuugu deeq badane

16. Waan kaa ducaystaa sidii; duumo waa cudure
17. Dakharkii i gaadha adaa; daawo ii qore eh

18. Markaan kaa durkaabaad halkaan; dego timaadaaye
19. Bal maxaa ikaa dabadhigeed; iiga degi wayday?

20. Waxay tidhi: Adaan daaciyoow; doocna garanayne
21. Dantaadiyo adaan kala aqoon; meesha kuu darane
22. Da´da sebenkan joogtaad tehee; layska duufsadaye
23. Dib u fiirso waxa aan abaal; duuga kugu leeyey

24. Danyar adiga oo caydh ahaa; duunyo ka idlaatay
25. Darxumooyin baad mudan lahayd; dagaha jiilaale
26. Sawtaan dawarayeen xigtada; daasad kula meeray
27. Een kadin dareeraaya iyo; xerada kuu deyray
28. Ma wax laga dudaan ahay; adaan dawga garanayne??

29. Dug markay ku siiyeen dharaar; godob dar kuu haystay
30. Deldelaada waataan adoo; diifle kaa furaye
31. Dilkaagii ma baaqdeen hadaan; duunyo loo hurine
32. Ama aan dab saar iyo karkabo; loo diyaar noqone
33. Ma wax laga dudaan ahay; adaan dawga garanayne??

34. Dullaanka reer Qudhac; markuu idin daqiiqeeyey
35. Idinkoon dareen qabin sidii; daad idiin kiciye
36. Dabro weerarkii idinku dhacay; doogsin ma ahayne
37. Dulli sawtan kaa baajiyeen; daafac galay maaha?
38. Ma wax laga dudaan ahay adaan dawga garanayne??

39. Darajiyo xil qaybsiga markay; dawladnimo joogto
40. Inaan laga dulmarin reer kastaa; duunka soo geliye
41. Aniguna dadaalkii markaan; damaca weyneeyey
42. Dayac iyo Danseeg waanigii duub u soo xidhaye?
43. Farxad-doobintiibay rag kale; cadho dillaaceene
44. Ma wax laga dudaan ahay; adaan dawga garanayne??

45. Ku darsoo intaan diray aftahan; hadalka loo daayey
46. Dareen jiifa way kicin ogyiiin; duulka maansaduye
47. Darajeeya reer hebel intaan; kula dardaarmaayey
48. Intaan cadawga duudsiyey; intaan gacal daryeelaayey
49. Dooyada waxaan ugu ahaa; yaanay daadegine
50. Ma wax laga dudaan ahay; adaan dawga garanayne??

51. Waxan idhi: halkii aan degiyiyo; meeshad iga doontay
52. Alleylehe intay kala durkeen; waaba kala daane
53. Dantaad sheegaysaa waa wixii; kaday dadkaygiiye
54. ee ay la wada diidsanyiin; dakharadeediiye
55. Inta dumar goblamay een mar kale; dihanahayn wiilal
56. Intay duubiyadu naafayiin; degelka Soomaali
57. Inta debeda sii aaddayee; dhaqanki doorsoomay
58. Inta aan dib loo arag dhan ay; dunida joogaanba
59. Inta weli dabkii haysatee; weerar daba taagan
60. Iyo deriska kala yaacayeen; dib isu raadcaynin
61. Dambarkiisa weeyaan qabiil darartii koowaade
62. Jidhku way damqanayaa markaan buuga kuu dayo eh
63. Doqon iyo nin liitaad mar kale dabin u qooshaaye
64. Mar i dage Ilaahay ha dago kaa digniin helaye

65. Waxay tidhi: DayeysanE haddaad; sida tan door mooday
66. Dar-dartaada ii muuqataa daalitaan ma lehe
67. Inaad dayro reeraha ka noqon; geli dareenkaaga
68. Wax qabyaalad lagu doorsan karo layma daalicine
69. Dadka kalena way kaa irdhoon; sida dugaagiye
70. Inay dani ku soo celin mar kale; geli dareenkaaga

71. Waxan idhi: dardaar-werintu waa; kuu daciifnimo e
72. Nin dagaal u soo baxay ma geyo; waan ku dilayaaye
73. Kuwa diinta kaa yeeshaybay; taasi didin layde
74. Is diyaari maalmaa ka hadhay dabar go´aagiiye

75. Waxay tidhi: sidaad damacsantahay dani hadday yeesho
76. Dariiqii abkaa iyo haddaad duugto dhaqankaaga
77. Waxa iga dardaarana hal aan kaaba degahayne:
78. Dadku wada dad weeyaan hadana kala dun roonroone
79. Darajay ku kala soocanyiin dabaqad reeruuye
80. Sidan aan dameer iyo fardiyo awr u wada daaqin
81. Ama aan digaag iyo shimbro heer u wada duulin
82. Ayey tahay darxumo weyn haddii laysku keen daro´e
83. Digniintaydu waa inad midhkaa dib u xasuusnaato
84. Dalkana waa la kala leeyihiyo dooga soo baxaye
85. Sida dulinka xoolaha, cid yaan lagu dul noolaanin
86. Ninba daayinkii meeshu dhigay door ha ku ahaado

87. Waxan idhi: Sirtaan doonayaad dooxday adigiiye
88. Denbigaagi wuu ii cadyoo malaha doondoone
89. Dawadiina waa loo hayaa doogta bi´in layde
90. Dar Ilaahay dumidaada waa loo dabaal-degiye
91. Dadkaad kala saraysiinaysaa waa ul iyo diire
92. Waa duudi Nebi Aadan iyo qoys durriyadiiye
93. Yaa darajadaad sheegaysiyo dabaqyadow qaybshay?
94. Saw diirka maarriin-madow deekhsi kama yeelin?
95. Saw diinta layskuma dhalee Maxamed may dooran?
96. Saw dacalka xeebteena dheer degel kamay yeelan?

97. Dood kalena waxan kaaga naqay dooga soo baxaye:
98. Dalka waxa leh ruuxii degee xoolo daaqsada eh
99. Dalka waxa leh daariyo ninkay dalag u beermaane
100. Dalka waxa leh kii lagu dihdeen dooran meel kale eh
101. Dalka waxa leh duulkaan ku iman dirir colaadeede
102. Dadka yaa u kala qaybiyey oo dacalba reer siiyey
103. Deeqdii Ilaahay kumaa kaaga dhigay dawlad?

———————–Dhamaad—————————
Maxamed Xirsi Guuleed